Booliska oo ka warramay dhimasho iyo dhaawac uu sababay Dab ka kacay Booyad Shiidaal oo Guri gashay

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena way ku dhaawacmeen, laba gurina way ku shuf-beeleen, ka dib markii ay Booyad Shidaal sidday ku dhacday Guri ku yaalla Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Gaadhiga Booyadda ah ee Shidaalka sidday oo ka soo dhaadhacday dhinaca Buurta Xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa ku dhacday Guri ku dhaw xarunta Ciidanka Dembi-baadhista (C.I.D-da) ee Somaliland ee Hargeysa Xaafadda Shacabka ee isla  degmadaas, ka dib markii Biriiggu qaban waayey Baabuurkaas, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Boolisku.

Baabuur Dab-demis ah, Gaadhi Booyad ah iyo dadweyne kale oo tiro badan iyo Ciidammada Ammaanka, ayaa u gurmaday markii Booyaddaasi Shidaalka sidday dhacday, ka dibna dab ka hillaacay goobtaas oo qiiqa iyo ololku is-xidhay, waxaana Dabkaas ku naf-waayey Allaah ha u naxariistii Darawalkii Booyaddaas, waxaana ku dhaawacmay Kirish-baygii Booyadda iyo ilmo-yar sida uu noo xaqiijiyey Taliye Fadal.

Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal, waxa uu sheegay inay baadhitaanka sidii uu falkaasi u dhacay gacanta ku hayaan, balse xogta hor-dhaca ah ee ay hayaan ay tahay in gaadhigaas biriiggu qaban-waayey. Halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso Taliye Cabdillaahi Fadal oo Warbaahinta uga warbixinaya sida Shilkaas Dabku ka dhashay ku yimi iyo khasaaraha uu sababay ee ay Boolis ahaan xaqiijin karaan.

0004 BOOYAD SHIDAAL OO KU GUBATAY SHACABKA HARGEYSA DSC00321 DSC00323 DSC003221 0006

Cabdifataax I. Mursal

aftahaniinc@gmail.com

Afttahannews.com

Hargeysa/Somaliland.