Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay ku Heshiiyeen?

WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021
WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta Hargeysa ku kulmay, isla markaana waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin inay heshiis ka gaadheen sii wadista wadahadallo la xidhiidha wada-shaqaynta Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021
WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND 2021

Waxaa sidaa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda  Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

 Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.” sidaa ayaa lagu yidhi Warkan qoraalka ah ee soo gaadhay aftahannews.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.