Wasiir Xaglo-toosiye oo lagu soo dhaweeyey Buuhoodle iyo nuxurka Khudbad uu ka jeediyey

Buuhoodle(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle oo uu markii ugu horreysa maanta gaadhay tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo xilka Wasiirnimo u magacaabay.

Wasiir Xaglo-toosiye oo Khudbad u jeediyey dadweynihii ku soo dhaweeyeey duleedka magaalada Buuhoodle oo u gelbiyey illaa gudaha magaalada, ayaa uga mahad-celiyey sida ay u soo dhaweeyeen oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana waxa uu sheegay inuu Mashaariic horumarineed u wado Buuhoodle oo uu xusay inay ka hadhay dalka Somaliland intiisa kale marka loo eego dhinaca horumarka, sidaa awgeed-na waxa uu sheegay inuu Ambalaaskii ugu horreeyey ee Cusbitaalka Buuheedle yeesho uu maanta wado.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka iyo hadalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo sida loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle oo ah deegaankiisa uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Wasiir Xagla-toosiye, isla markaana xarun u ahayd wakhtigii uu ahaa hoggaamiyaha Malleeshiyadii Hubaysnayd ee dagaalka kula jirtay Somaliland ee SSC.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.