Deni oo ka degay Cadaado sababo aan la sheegin aawadood

Madaxweyne Deni
Madaxweyne Deni

Cadaado (Aftahannews)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in uu ka qeybgalo shirka madaxda Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa ka degay magaalada cadaado.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweyne Deni ayaa Dhuusamareeb ku tagi doona safar dhanka dhulka ah, lamana cadeynin sababta uu safarka sidaas uga dhigtay.

Madaxweyne Deni
Madaxweyne Deni

Balse, wax loo maleeyay dhawaqa hobiyeyaal ayaa xalay la sheegay in laga maqlay magaalada Dhusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka.

Ilaa iyo hadda fahfaahin dheeraad ah laga ma hayo dhawaqaasi iyo haddii uu jiro khasaarah ka dhashay.

Waxaa jira warar sheegaya in garoonka diyaaradaha magaalada la duqeeyay, balse weli ma jiro war cad oo arrintaas ku saabsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.