Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay Xuska Sannad-Guurada 27aad ee Aas-aaska Ciidanka Milateriga

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay sannad-guuradii 27aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka militeriga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kormeer kooban oo shaqo kusoo maray xerada ciidanka militeriga ee Bir-jeex oo uu kuyaalla cusbitaal qalabaysan oo ciidanku leeyahay, isaga oo cutubyo katirsan ciidanka qarankana salaan sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud ee ciidanka oo uu uga sii gudbay goob si weyn loo qurxiyey oo loo asteeyey xuska munaasibadda sannad-guurada 27aad.

Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska sannad-guuradan, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (fariid), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhammaanba taliyayaasha ciidamada kale ee dalka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee Somaliland xidhiidhaka la leh, madax katirsan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn Kooxda fanka Gaashaan ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu horrayn munaasibadda ku ibo-furay masraxiyad waddaniyadeed la magac baxday DAWLADNIMO WAA SHARAF, taasoo ka turjumaysay kaalinta miisaanka leh ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimada, islamarkaana si weyn usoo jiidatay shucuurta madaxdii munaasibadda ku sugnayd.

Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si guud u hambalyeeyey ciidanka militeriga dalka, waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka militerigu, dhibtii qaranku usoo maray dhismahooda iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameeyeen muddadii ay jireen.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Xaateeye, ayaa isaguna dhinaciisa hambalyo iyo duco u diray dhammaanba ciidanka militeriga ee dalka, waxana uu ciidanka ku tilmaamay tiirar halbawle u ah dawladnimada, islamarkaana ay tiir-dhexaad u yihiin inuu qaranku gaadho himilooyinkiisa iyo yoolalkiisa muhiimka ah, waxana uu yidhi, “Ciidanka qaranku 27-kaa sannadood iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, waxay ahaayeen kuwo ku astaysan naf-hurid, guulo is daba-joog ah, ilaalinta iyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana farxad ii ah in ciidanka qaranku ay xaqiijiyeen qodobbo ku xusan qorshaha horumarinta qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambayo qaran u diray dhammaanba ciidamada kala duwan ee militeriga, waxana uu sheegay inuu shacabku gaadhay heer uu naf-hurnimada, dal-jacaylka iyo waddaniyadda kaga daydeen ciidamada qaranka, taasina ay tahay inay abaalkii ciidanka qayb kamid ah soo celinayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“In badan waxa la isku raacaa ciidanka qaranku abaalka uu dalkiisa u galay cid gudi jirtaa ma jirto, waa dhab, waayo qof naftiisa huray waxa loogu abaalgudaa waa naf loo huro uun, laakiin abaalkooda kolba in baa la gudaa, maantana waxan leeyahay shacabka Somaliland dhammaantii in badan oo tallaabooyin horumar ah oo abaalkii aad u gasheen ah buu soo celiyey, abaalkuna ma aha lacag iyo Adduune waa wixii aad garateen ee isu xilsaarteen haddii aad ciidamada oo dhan tihiin ee ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ammaan ah oo nabad ah sidii loo heli lahaa, ayaanu nafta u huraynaa, qaranku maanta wuxuu qaatay inuu dhammaantii tallaabadiinnii qaato oo isaguna nafta huro.”

Madaxweynuhu waxa uu si mug leh u ammaanay midnimada iyo isku-duubnida shacabka Somaliland, xukuumad, mucaarid iyo muxaafidba iyo sida ay meel uga soo wada jeedaan horumarka qarankooda iyo danahooda guud ahaaneed,“Dalku wuxuu ku jiraa sannadkan maanta ah iyo kii ka horreeyeyba Somaliland oo taladiiinii qaadatay oo khilaafkii dhammaysay oo dhammaan u midowday horumarinta iyo nabadda dalka. waxa kale oo guul labaad ah in dhammaan xisbiyadii iyo siyaasiyiintii ay u midoobeen horumarinta qaranka iyo nabadda oo ay wax siyaasadda ka saareen wax alle iyo wixii xanaf, duul-duul iyo hadal qalloocan ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen inay qabsoomidda xilliga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu shacabka usoo jeediyey inay ilaashadaan nabaddooda iyo wada-jirkooda xilligan dalku doorashooyinka gelayo, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf ku keeni kara, isaga oo dallacsiiyey 826 (Siddeed boqol iyo lix iyo labaadan) sarkaal, iyo in ku dhaw shan kun iyo shan boqol isugu jira saraakiil-ku-xigeenno iyo askar caadi ah oo katirsan ciidanka militeriga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.