Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Dhuusamareeb

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Dhuusamareeb (Aftahannews)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.

Hore waxaa mmagaaladaas u gaadhay wafdiyo ay kala hoggaamiyeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Shirka ayaa la filayaa in uu furmo caawa ilaa bari waxaana xooga lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo muddaba khilaaf ka taaganyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan ku baaqay dhawaan kadib markii uu shir la yeeshay mas’uuliyiinta beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho isla markaana daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa aad indhaha loogu hayaa waxaana la filayaa in xal lagaga gaadho arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo maamulgobaleedyada iyo dowladda dhexe ay isku khilaafsanyihiin.