Hargeysa (Aftahannews) — Guddoomiyaha Xisbiga Muraadka Somaliland ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii shalay kooxda Al-shabaab ku fuliyeen Huteelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamay geerida General Galaal mid murrugo ah, isagoo ku sifeeyay halyey weyn oo ka baxay ummada Soomaalida.
Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Marxuum General Galaal door weyn ku lahaa dhismaha ciiddankii qaranka Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu xusay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.