Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ka Cudur-daartay Dacwadda Haatuf qaadisteeda

Hargeysa(Aftahannews):- Dacwaddii Wargeyska HAATUF ee madaxa-bannaan ee ee Hargeysa kasoo baxi jiray ee ay Xukuumaddu xayirtay bishii hore oo maanta loo ballansannaa in dacwadooda la guda-galo, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa ka cudur-daartay inuu kiiskaasi ka Garsooro ka noqdo, isla markaana ku wareejiyey Garsoore kale.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA GOBOLKA HARGEYSA FAYSAL DHAGA-DHAGO

haatuf1-300x202

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Hargeya Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal Dhaga Dhago), ayaa sheegay in aanu dacwadaasi Haatuf loo haysto aanu gali Karin, maadaama oo xurguf ka dhexeyso isaga iyo gudoomiyaha Haatuf, sidaa darteed waxa uu ku wareejiyey gasoore Asad Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda gobolka Hargeysa, intaas ka dibna garsoorihii kale ee lagu wareejiyey waxa uu sheegay in dacwadan la bilaabi doono bishan May Tobankeedda.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta waxa goob-joog ka ahaa xisbiyadda Mucaaradka, madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, xuquuqul insaanka iyo Weriyeyaal, kuwaas oo dhammaantood u socday inay dhegaystaan kana markhaati furaan siday wax u dhacayaan.

Madaxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa hore u sheegtay in Xeerka Ciqaabta guud lagu qaadi doono Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee ay Xukuumaddu Xayirtay, xurntiisii Hargeysana Ciidammada Boolisku la waregeen, taasoo ay Ururrada Saxaafadda, Xuquuqda Aadamaha iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ka qayliyeen, isla markaana dalbadeen in dacwaddooda lagu qaado Xeerka Saxaafadda Somaliland, balse ma cadda sababta Guddoomiyaha Maxkamaddu Kiiskaas isaga wareejiyey.

aftahaniinc@gmail.com

Afttahannews.com

Hargeysa/Somaliland.