Lamanaayaal ku jiray farxada guurkooda oo kamid noqday dadkii lagu dilay weerarkii hotel Afrik

hotelka Afrik
hotelka Afrik

Muqdihso (Aftahannews)- Fahad iyo Fadxiyo oo ahaa lamaanayaal ku jiray todobo baxooda ayaa kamid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dabley katirsan Alshabab gudaha u galeen.

Lamaanahan ayaa maanta lagu aasay qubuuro ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay eheladooda oo aad uga murugaysnaa geerida Fahad iyo Fadxiyo oo lagu kala aasay labo qabri oo is dhinac yaala.

Lamanayaasha oo dhawaan ka yimid dalka dibadiisa, ayaa u doortay in ay ku aqal galaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, hase yeeshee iyagoo weli ku jira farxadoodii guurka ayay geeri la kulmeen.

Qoyskooda waxay sheegeen marxuumiintu in ay ahaayeen dhalinyaro da’ yar oo ku haminayay mustaqbal wanaagsan in ay nolasha ka gaadhaan.

Dad badan oo Fadxiyo iyo Fahad lamid ah ayaa nolashooda hore ugu waayay weerarada noocan oo kale ee ka dhaca Soomaaliya.

Sanadkii 2019 weerar lagu qaaday hotel ku yaalay magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay Hodan Naaleeye oo ahayd gabadh saxafiyad oo caan ah iyo Saygeeda oo ku sugnaa hotelka la wareeray.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.