Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in lagaga itaal roodaanaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo isaga oo dhinaca ka hadlay maxaabiistii lagaga qabtay dagaalka.
Waxaa uu meesha saaray in dagaalka lagaga qabtay maxaabiis dhan 250 Askari, isaga oo sheegay in kaliya 37 Askari lagaga qabtay dagaalka oo qaarkood ay is dhiibeen.
”Markii hore magaalada Annaga ayaa la wareegnay, laakiin waxaa ay noo isticmaaleen hub culus oo ay dowladdu geysay degmada Beled-Xaawo” ayuu yidhi Cabdirashiid Janan.
Wuxuu sheegay in ay arkeen ciidankooda khatar badan wajahayaan sidaa daraadeed ay go’aansadeen in ay dib uga gurtaan magaalada.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay ku qabtay dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo ciidamo gaadhaya 250 Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ee magaalada soo weerarray, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay ciidamadaa oo qaarkood la jidhdilayo.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.