Muuse Biixi oo shaaciyey inuu Madaxweyne u sharraxan yahay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu si rasmiya Musharrax Madaxweyne ugu tartami doono Xisbiga dhexdiisa marka la gaadho 2015-ka, toddobaad ka dib markii loo doortay Guddoomiyaha KULMIYE ee shanta sano ee soo socda.

Muuse-Biixi-Abdi2

Muuse Biixi ay Waraysi la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du, waxa uu ku dooday inuu diyaar u yahay inay Xisbiga dhexdiida ku tartamaan Madaxweynaha Somaliland. “Waxaanu xooga saari doono sidii aanu nabadgelyada u sii xoojin lahayd, isla markaana ula dagaalami lahayn xagjirnimada iyo budhcad badeeda, waxaanu sidoo kale shanta sanno ee soo socda xooga saari doona, arrinta Ictiraaf raadinta, waayo dalkayagu muddo 22 sanno ah wuxuu raadinaayay aqoonsi, walina noomay suurto galin, taas oo ka dhigaysa muwaadiniintayada haddii ay wax kasta qabsadaan in aan hadana baasaboorkooda la aqoonsanayn. Marka siyaasadda arrimaha debadda ayaanu sii xoojin doona.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo la weydiiyay su’aal ahayd, sababta shirweynihii Xisbiga KULMIYE ergada loogu asteeyay Beelaha wuxuu  ku jawaabay; “Horta Soomaalidu meel kasta oo ay joogto, ama Soomaalida Itoobiya joogto ha noqoto  ama Soomaalida Jabuuti, ama kuwa Muqdisho iyo Somaliland jooga, qabyaaladu waa mid ku weyn,  waana xaqiiq waxaa intaas dheer dadku markuu burburo wuxuu arrimaha u celiyaa diinta iyo dhaqanka. Xisbiga KULMIYE hore ayuu qabyaalada ula dagaalamay oo dadka isu keenay min bari ilaa galbeed, Somalilandna way yaraysay qabyaaladii oo Xisbiyada wanagaa dhisnay hadana diyaar ayaanu nahay in dadka laga yareeyo.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya su’aal la waydiiyay oo ahayd in Golihii dhexe aanay wali soo saarin musharaxii uga qayb gaalayay doorashada la filaayo sannadka 2015 inay Somaliland ka dhacdo, iyo inuu isagu sharaxanyahay wuxuu kaga jawaabay.

“Horta Xisbiga markaad guddoomiye ka tahay sherkad ganacsi oo xoolo lakala faa’iidaayo maha, waxaan ugu jiraa inaan ku gaadho kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha, wanan u sharaxanay qofkasta oo golaha dhexe ku jiraana xaq ayuu u leeyahay wanan soo dhaweynayaa, haddii uu Madaxweynaha hadda yahay iyo haddii cid kale ay tahayba.”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray oo yidhi; ”Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu teeramkiisi labaad tartamo, waana guul ayaan qabaa in aanu ku wada tartanto Xisbiga dhexdiisa, aasaasihii Xisbiga KULMIYE, inaanu wada tartano odaygii Xisbiga iyo ninkii uu Siyaasadda ku soo koriyay miyaanay guul ahayn.”

Hadalka Muuse Biixi, aya aku soo beegmay maalmo ka dib markii laga soo gudbay Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE oo ka qabsoomay Hargeysa, isla markaana dib loogu doortay hoggaankii hore ee Xisbiga oo ah Guddoomiye Muuse Biixi afar Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayaha guud, kuwaasoo aan cidi jagooyinkoodaas kula tartamin, isla markaana dib u doorashadoodu ku timi tansiilaad iyo is-qancin Xisbiga dhexdiisa laga sameeyey, isla markaana la sheegay in hore loogu qanciyey Muuse Biixi inuu hoggaanka Xisbiga sii ahaado, isla markaana ka tanaasulo isu-sharrixidda jagada Madaxweynaha ee KULMIYE dhexdiisa oo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo isu soo taago 2015-ka.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.