Bookh: Siyaasi Reer Gabiley Ah Oo Musharraxnimadiisa G. Wakiillada Kaga Dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews) – Mid ka mid ah Beelaha dega Gobolka Gabiley, ayaa Munaasibad ay ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay ku shaaciyeen inuu Beel ahaan uu doorashada Golaha Wakiillada Somaliland uga qayb-galayo Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh oo ka mid ah siyaasiyiinta Magaca ku leh Gobolkaasi.

Munaasibad shaacinta Musharrax Bookh, ayaa waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed, Waxgarad, Siyaasiyiin, dhallinyaro, Aqoonyahannada Beesha qaarkood iyo Masuuliyiin ka socday Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaasi oo halkaa kaga dhawaaqay inay xisbi ahaan aqbaleen Musharaxnimada Bookh, kuna soo dhaweynayaan Xisbiga.

Ugu horrayn, xubno ka mid ah Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Aqoonyahannada Beesha uu Musharraxu ka soo jeedo oo halkaa ka hadlay, ayaa isaga daba-maray sida ay Beel ahaan u garab taagan yihiin Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh “Waxaan u malaynayaa, Xisbiga WADDANI Maanta ayuu Galbeedka ruxud ku yeeshay, idinkana waa idiin bishaaro, sidaas darteed waxaad si milgo leh, oo aan kala hadh lahayn nooga guddoontaan Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh, kuna talo-galo inaanu idiin wadno Beeshii oo dhan..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Aqoonyahannada Beesha uu ka soo jeedo Musharraxu.

Xubin ka mid ah Madax-dhaqameedka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu Garbaha ku sidnaa Hadyeddii u qaalisanayd oo ah Musharrax Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh)..”

Mid ka mid ah Waxgaradka Beesha ku dhawaaqday Musharraxooda, ayaa isaguna yidhi  “Kulmiye markaanu soo saaraynay, ninkii hoggaaminayey wuxuu ahaa Ninkan (Bookh) ee aanu raacsanayn, Maantana siyaasaddu dirawal bay leedahay, markaa waxaanu isla soo doonanay dirawalkii iyo gaadhigii.”

Axmed Jaambiir Suldaan oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxay Indho arkayaan ayay Ilko gooyaan, sidaasi darteed isagu nin kala door-dooranayo maaha, waa nin Aanu aqbalayno (Xisbi ahaan)..”

Xoghayaha Shaqaalaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad Tusaale nool u tihiin, maadaama oo ay weli Xaafaduhu doorashada leeyihiin, inay keenaan Xildhibaan Bookh oo kale ah oo Dadka la kala shaandheeyo oo la hubo oo Qofka kartidiisa la hubiyo, inuu yahay qof isku filan oo aanu Golaha Wakiillada u shaqo tagayn…”

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo isaguna ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa isaguna Munaasibadda ka sheegay “Aamin inoo dhaha in Ilaahay Ninkaa Bookh innagu asturo..” ayuu yidhi.

Cabdalle Sandheere oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa isaguna yidhi “Bookh waxaanu ku qaadanay Duuduub..”

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) oo Musharraxnimadiisa la shaacinayey, waxaanu yidhi “WADDANI iyo Gabiley waalla ogaa, laakiin way is beddeshay oo waanu soo taabanay xaqiiqda, kolay Bani-aadamka way khaldamaan, laakiin waxa loo baahan yahay inaynu ku cibro-qaadan Qaladkii hore ee aynu galnay oo aynu Maanta sidaa aynu isku raacnay iyo Duuduub, hadday Baarlamaan noqoto, Gole deegaan hadday noqoto iyo hadday Madaxweyne noqoto, sidaa aynu isugu raacnay aynu iskugu raacno (WADDAN) diyaar u nahay..”

Aftahannews.com/Hargeisa Office