Ujeedka Wefti ka socda Ruushka oo Somaliland soo gaadhay

Hargeysa (Aftahannews)- Wefti ka socda Dawladda Ruushka, ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa, ee Caasimadda Somaliland.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Xafiiska iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dawlada Ruushka ee Qaarada Afrika, ee loo soo gaabsado, (AFROCOM), Mr. Stanislav Mezentsev, ayaa waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Somaliland ee Waddanka Jabuuti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed.

Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid oo ka hadlay ujeeddada socdaalka Weftiga Ruushka, ayaa sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan in ay ku indho indheeyaan maal gashi ay ku samayn karaan Jamhuuriyadda Somaliland “ujeeddada Weftigan, waxa weeye sidii ay u indho indhayn lahaayeen maal gashi ay ku sameeyaan Somaliland, markii u dambaysay ee uu yimaado-na waxay ahayd 2008, markaas oo uu la kulmay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale.

Masuulka Weftigan Hoggaaminaya, ayaa sheegay in waddankiisu danaynayo xidhiidh iyo maal gashi uu ku sameeyo Jamnuuriyadda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.