Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Aftahannews)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo hoggaamiya xisbiga Wadajir, islamarkaana ah musharax madaxweyne ee Soomaaliya, ayaa si yaab leh uga hadlay shirka Dhuusamareeb ee uu madaxweyne Farmaajo shalay ku baaqay kadib markii uu la kulmay beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tusaale usoo qaatay dhowr madaxweyne goboleed oo uu madaxweyne Farmaajo ka diiday inay doorasho qabtaan, ayaa ku baaqay inuu madaxweyne Farmaajo xilka ka dego wuxuuna usoo qaatay odhaah ah “Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hoos ka akhriso qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay bartiisa facebook.

Waxaan soo dhoweynayaa shirka watashiga ah ee uu Madaxweynaha ku baaqay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti gelinaya. Madaxweyne Farmaajo cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday waa ka diiday in ay doorasho qabato. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna dalbaday in uu wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyo. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Xaaf, wuxuu dalbaday in wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu wareejiyo, wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, wuxuu ka dalbaday in uu madaxweyne ku xigeenkiisa ku wareejiyo. Wuxuu kaloo diiday in doorashadii Jubbaland iyo Puntland maalin lagu daro.

Maanta uu muddo xileedkiisii dhammaaday waa in uu xilka wareejiyaa, sababtoo ah dastuurna uma oggola, dadna uma dhaqna. Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.