Maayirka Caasimada Hargeysa oo balanqaay in ay dhisayaan Wadada Xafada Cabaaye

Hargeysa (Aftahannews)- Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa waxaa uu maanta koormeer ku tagay jidka isku xidha xaafadaha Cabaaye iyo 150-ka ee magaalada Hargeysa.

Maayirka magaalada Hargeysa ayaa waxaa kormeerkan ku wehelinayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa.

Waxaanu maayir Cabdiraxmaan Solteco balan qaaday in ay dowlad hoose ahaan dhisayaan wadada xaafada Cabaaye.