Maayir ku xigeenka Gabiley oo shaaciyay inuu markale u tartamayo Golaha Deegaanka

Gabiley (Aftahannews)- Maayir ku xigeenka magaalada Gabiley Cabdi Daahir Goole ayaa waxaa uu maanta shaaciyay in uu markale u tartamayo doorashada golaha Deegaanka ee degmad Gabiley.

Waxaa uu Maayir ku xigeenka Gabiley ku sababeeyay shaacintiisa kadib markii Bulshada, Aqoonyahanka, Madax-dhaqameedka gobolka Gabiley ay ku dhiiri geliyeen in uu markale isi soo sharaxo.