Qaramada Midoobay oo sheegtay in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya laga midho-dhalin Karo, Haddii hore loo sii wado

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan

Muqdisho (Aftahannews) – Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in haddii la sii wado Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya laga midho-dhalin karo.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Magaalada Muqdisho ku qabtay shir-jaraa’id oo Weriyeyaashu hab Online ah su’aalaha ku waydiinayeen, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey siday u sii socon karaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayuu yidhi  “Waxaynu ognahay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku kulmeen Jabuuti bishii u dambaysay ee June, kulankaasi oo uu qabtay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay taageerayeen Hoggaamiyeyaal kale oo Gobolka ah iyo Qaar ka mid ah Dalalka Beesha Caalamka. Waanu soo dhaweynaynaa kulankaa, sida ay u soo dhaweeyeen Dawlado badan oo Caalami ahi.”

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan

James Swan oo wuxuu sheegay inay sii wadayaan taageerada Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Kulankaa (Jabuuti) waxa jiray wada-xaajoodyo iyo qorsheyaal ka dhashay, sidaasi darteed waanu sii wadaynaa Taageerada Wada-xaajoodyada labada dhinac, kuwaasi oo lagu gaadhi karo heshiisyo, haddii hore loo sii wado.”

James Swan waxa kale oo uu sheegay inuu sii socdo xidhiidhka labada dhinac “Waanu ku rejo-weynahay in xidhiidhkana ay sii wadi doonaan..”ayuu yidhi.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.