“KULMIYE Waxaan Ku Bogaadinayaa Dimuqraadiyadda Aan Qardoofada Lahayn Ee Uu Horseedka Ku Yahay…”

Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax

 Finland(Berberanews):- Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbo-joogga Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax, ayaa Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu ka tirsan yahay ku bogaadiyay dimuqraadiyaa Xisbiga dhexdiisa ka jirta oo uu ku tilmaamay inay horseed u yihiin Axsaabta Somaliland.

Saleebaan Maxamed Faarax waxa uu Xisbiga KULMIYE iyo Hoggaankiisaba ku bogaadiyay ansixinta Guddiga qabanqaabada shirweynaha ay dabo-yaaqada sannadkan u ballansan yihiin, sidaasna waxa uu ku sheegay War-saxaafadeed kooban oo uu Warbaahinta soo gaadhsiiyay, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga KUlMIYE ee tallada dalka hoggaaminaya sida uu hormuudka ugu yahay dhinaca waxqabadka iyo horumarinta dalka ee laga dareemi karo mudada gaaban ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaaminayaa jirtay, sido kale KULMIYE waa hormuudka hannaanka dimuqraadiga ah ee loolanka iyo tartanka xalaasha ah ee doorashooyinka gudaha xisbiga taas oo ah mid uu Xisbiga KULMIYE caan ku noqday illaa iyo shirweynihii koowaad lagu aas’aasay Xisbiga ee June 2002.

Waxa looga bartay Xisbiga KULMIYE tartan iyo loolan siyaasadeed oo si dimuqraadi ah oo aan turxaan iyo qardoofo lahayn si ay sinnaan iyo wax wada lahaanshe ku dhisan ay hadba inta damacu ku jiraa ay heerkasta sida Xeerka Xisbigu dhigayo u loolamaan.

Anigoo ku sugan xilligan dalka dibadiisa, waxan ku hambalyaynayaa Xisbiga Kulmiye qabanqaabadda qabashada shirweynaha Xisbiga Kulmiye, sida farsamdda iyo xeel dheernimaddu ka muuqatay ee loo soo diyaariyey ama loo soo xulay iyo sidii fiicnayd ee wax ku oolka ahayd ee ee gudiga fulinta ee Xisbiga Kulmiye u ansixiyeen gudiga qabanqaabadda shirweynaha Bahwaynta Xisbiga Kulmiye ee dabayaaqadda sanadkan ka dhici doona dalka gudihiisa gaar haan Caasimadda JSL ee Hargeysa.

Waxaan ku hambalyaynayaa Guddoonka Xisbiga, Gudida Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha Xisbsiga KULMIYE ee dalka iyo dibaddiisaba ku sugan qabashada shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE ee qabanqaabadiisa lagu jiro.Gebagebaddii waxanan u rajaynayaa guul Xisbiga KULMIYE iyo Qaranka JSL.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.