Kenya iyo UK oo iska kaashanaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Nairobi (Aftahannews) – Dowladdaha Kenya iyo Britain ayaa iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada gaar ahaan Ururka Al-shabaab kaddib wada hadal magaalada Nairobi ku dhaxmaray xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Dr Fred Matiang’i iyo wasiirka gaashandhigga Kenya, Monica Juma.

Heshiis ay kala saxeexdeen labada dhinac ayaa dhiggaya in labada dowladdood ay iska kaashanaadaan dagaalka lagula jiro xoogagga ururka Al-shabaab oo khatar ba’an ku haya dalka Kenya oo dhowr jeer oo hore ay weerarro culus ku qaadeen.

Labada dowladdood ayaa iska kaashan doona xogta ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda qorshayaasha la xidhiidha weerarrada ay fuliyaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.