Muxuu C/Raxmaan C/Shakuur ka yidhi 13-ka Kursi ee uu Farmaajo u Saxeexay Gobolka Banaadir?

Muqdisho (aftahannews) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan golaha midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Farmaajo aad ugu dhalliilay 13-ka Kursi ee gobolka Banaadir u meteli doona Baarlamaanka oo uu galabta saxeexay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa ku doodaya in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay dejinta hanaankii loo soo dooran lahaa 329-xubnood ee uu ka koobnaa baarlamaankii hore, balse uu hadda ku soo daray kuwo hor leh oo aan dastuurka waafaqsaneyn.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii ay socdeen shirarkii Dhuusamarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17-kii September.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay hadda madaxweyne Farmaajo ay ka soo xidhmeen dhamaan irdihii siyaasadda, sida hadalka uu u dhigay, taasna ay ku kaliftay inuu Bambo u soo tuuro 13-kan kursi.

“Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad Ciyaal-faa-cali oo kale ah (qarshaa ii jabsan, waanna bannaday)” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasigan.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa galabta saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare, kadib mudo todoba bilood ah oo qaraarkaas uu u xayirnaa saxiixiisa.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Xigasho caasimada online