14-kan Waxyaabood Qofna Ha Uga Sheekaynin Haddii Uusan Haysanin

1. Lacagtaada ha ku faanin adigoo la jooga qof Sabool ah ama jeeb maran
2. Caafimaadkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof Buka
3. Cuntada aad cunto iyo dharagtaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Gaajeysan
4. Farxada Guurkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof la soo Furay ama guri ka burburay
5. Awood iyo xoog ha u adeegsan qof Tabar daran oo maskiin ah
6. Xoriyadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Maxbuus ah
7. Caruurtaada quruxdooda iyo qiimahooda ha ka hadlin adigoo la jooga qof aan Ilma dhalin
8. Hooyadaa & Aabahaa oo kuu nool ha ku faanin adigoo la jooga Agoon
9. Dhar qaali ah in aad ku labisan tahay ha uga sheekayn qof aan haysan wax ka badan labada uu xiran yahay
10. Guulaha aad gaartay ha ku faanin adigoo la jooga qof waqtigu ku adag yahay
11. Shahaadada sare aad heysatid hadii qof uusan haysan ama wax soo baran ha ku xukmin in uu yahay jaahil nolosha ka dhacay
12. Gabadha aan make up isticmaalin ama dhar qaali ah xirnayn ha ku xukmin in ay tahay qof foolxun
13. Qof kuu adeega ama kuu shaqeeya ha u qaadan in uu yahay qof kaa liita ama maskiin aan wax kale awoodin, wuxuu rabaa in uu xoogiisa xalaal ku shaqeysto
14. Dalxiiska iyo Damaashaadka aad ku jirto ha ugu faanin qof aan haysan wax uu xitaa Taxi ku raaco
15. Farxadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Murugeysan oo Kurbo iyo kadeed aduun heysato
Marnaba ha Kibrin oo dadka ha iska Weynayn! Jooji Faanka iyo Buun-buuninta naftaada, maalkaaga, derajadaada iyo Awoodaada.
Maanta waxaa laga yaabaa inaad tahay qof awood badan. Laakiin Xusuusnow, Waqtiga ayaa aad kaaga Xoog badan!Noloshu waa harka labadiisa galin. Waqtiga iyo duruuftu way is bedeli karaan xilli kasta.

Ha ku digan Dadka Sababtoo ah dhaawacoodu ma xamili karo culays intaa ka badan!
W/Q: farah Cawaash Beeldaaje