Taliye Daba-gale oo Dhalliilay Nidaamka Saldhigyada Booliska Somaliland u Shaqeeyaan

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND Mohammed Adan Saqadh (DABAGALE)
TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND Mohammed Adan Saqadh (DABAGALE)

Hargeysa (Aftahannews) – Taliska Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda ay ku sugan Saldhigyada Booliska ee dalku, kuwaas oo uu muujiyey dhallilohooda iyo kalsooni-darrada Bulshadu ka qabto.

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND Mohammed Adan Saqadh (DABAGALE)
TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND Mohammed Adan Saqadh (DABAGALE)

Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo Shalay Tababbar u furay Taliyeyaasha Qaybaha ee Gobollada dalka, ayaa sheegay inaan Xaaladda Saldhigyada Boolisku wanaagsanayn, sidaasi darteed ay dib ugu noqonayaan sidii loo hagaajin lahaa, isagoo sheegay in Baadhayaasha Kiisadka ee Saldhigyada ku sugani yihiin Caqabada Dadku ka cawdaan.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Haddaynu Saldhigyada hagaajino oo aynu Xidhiidhka Dadka inoo dhexeeya hagaajino, Qofka dhibbanaha ah Akhlaaq ku soo dhawayno, baahidiisana aynu deg-deg uga jawaabno, kiiskiisana Caddaalad ugu baadhno, Qofba Maxbuuska ah ee aynu haynana si wanaagsan u qabano, meel Nadiif ah ku xidhno, ehelkiisa tusno, hadduu Xanuunsado dhakhtar geyno, Xaaladdiisa ka war hayno..”

Taliyuhu wuxuu sheegay in Dadku iyagoo u baahan haddana ay ka wer-weraan Saldhigyada Booliska, waxaanu yidhi; “Qofka Bannaankaa iska jooga Cabsi baa iskaga jirta, Bani-aadamka dareen baa ku jira, Qof kasta oo Bani-aadam ahi hadday balaayo hesho xagguu ku cararrayaa, Saldhiggaa Qalbigiisa ku xidhan, haddaanu Saldhiggiina hagaagsanayn, Qofku isagoo dhibaataysan wuxuu odhanayaa Balaayada I gaadhsii (Saldhigga)…”

Taliye Dabagale, waxa uu intaas ku daray; “Booliska waxaad mooddaa inuu kor u kacay, laakiin waynu ka dhutinaynaa Saldhigyada, inaynu runta isku sheegno weeye, Saldhigyada dib baynu ugu noqonaynaa, waana baadhayaasha, baadhahana Taliyaha Saldhiggaa xukuma, Taliyaha Saldhiggana waxa Maamula Taliyaha qaybta, Taliyaha qaybtu yaanu Habeenkii Seexanin illaa uu ogaado waxa u xidhan oo uu Buugga Diwaangelinta eego iyo mid walba wuxuu ku xidhan yahay, subaxdiina waa inuu eegaa Saldhigyadiisa waxa Xalay soo kordhay, Maxaabiista waa inuu ka war hayaa, Saldhigyada waa inuu kormeeraa.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Xikmadda aan uga jeedaa waxa weeyaan Dadka aan u shaqaynayno waa in xidhiidhkeenu uu isbeddel ka muuqdaa, midda labaad Kiiska baadhistiisana waa in Caddaaladi ma muuqataa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Haddii Booliska iyo Saldhigyadu xumaadaan, Dawladdaasi Dawlad xun bay noqonaysaa, markaa innagu yaynaan innagu sabab inaynu Dawladdeena xumayno, Dadkeenana aynu dhibno..”

Aftahannews.com/Hargeisa Office