Djibouti oo Jawaab ka Soo Saartay Eedaynta Soomaaliya u Jeedisay Guddiga Jabuuti hagaysay ee IGAD

KENYA ETHIOPIA SOMALIA AND DJIBOUTI LEADERS
KENYA ETHIOPIA SOMALIA AND DJIBOUTI LEADERS

Djibouti(aftahannews):- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegtay inay mar walba ka shaqaynayso nabadda iyo xasilloonida geeska, isla markaana waxay ka jawaabtay war ay shalay Dowladda Soomaaliya ku durtay Guddi loogu yeedhay Xaqiiqo-raadin oo Jabuuti u hoggaaminaysay oo Urur-goboleedka IGAD ka socday, loona xil-saaray inay soo ogaadaan xaqiiqada keentay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo soo taxnaa tan iyo sannadkii hore oo gaadhay inay Safaaradaha kala qaataan labadaas Dal.

KENYA ETHIOPIA SOMALIA AND DJIBOUTI LEADERS
KENYA ETHIOPIA SOMALIA AND DJIBOUTI LEADERS

Qoraal ka soo baxay Khamiista maanta ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Jabuuti,  ayaa lagu sheegay in go’aankii ka soo baxay guddigii xaqiiqo-raadinta Urur-gobolleedka IGAD uu u saaray muranka dhinaca xudduuda ah ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, Guddigaas oo ay Warbixintooda Soomaaliya ku sheegtay mid xaqiiqada ka fog, isla markaana loogu xagliyey dhanka Kenya oo aan Soomaaliya door laga siin xogta warbixinta.

Hase-yeeshee, Djibouti waxay ku doodday in go’aanka ay soo saareen Guddiga uu ahaa mid loo fuliyay si dhaxdhaxaadinmo ah. Sidoo kale, Dowladda Djibouti, ayaa sheegtay in howlahaa guddigan ay ku timid ka dib go’aan ay sidaa ku gaadheen Madaxda Urur-gobolleedka IGAD iyo ruqsad laga heystay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo Shir Jaraa’id Arbacadii ku qabtay Muqdisho, ayaa ku eedeeyay Guddiga in ay  warbixintooda ku saleeyeen oo keliya xigashada hal dhinac oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Monica Juma, taasoo ah mid aan lagu kalsoonaan karin, isla markaana ah waxaanay ka filayn Djibouti, maaddaama toddobada Xubnood ee Guddigaasi ka koobnayd 6 ay Dowladda Djibouti ka tirsan yihiin.

“Ma jirto sabab looga shakiyo warbixinta Guddiga xaqiiqo-raadinta ee IGAD, waxaay ku saleeyeen warbixintooda xaqiiqada iyo dhexdhexaadnimada shaqada xaqiiqo-raadinta la waafajiyo. Djibouti waxay darafyada ugu yeedhaysaa inay sugaan warbixinta kama dambaysta ah, mar haddii warbixinta Guddiga loo gudbiyey Madaxda Urur-goboleedka IGAD oo lagu soo bandhigi doono Shirka IGAD ee soo socda..” sidaa ayaa lagu yidhi warka wasaaradda arrimaha dibedda ee Djibouti.

“Djibouti, waxay mar walba ka shaqaysaa nabadda iyo xasilloonida gobolka. Jabuuti waxay dedaal badan gelisay dhismaha dowladnimo, xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, inta hadhayna way sii wadaysaa..” ayey intaas ku dartay Jabuuti.

Geesta kale, Dowladda Kenya, ayaa soo dhawaysay Warbixinta Guddigaasi soo saartay, iyadoo ku tilmaantay mid aanay Kenya ahaan wax faragelin ah ku lahayn, una arkayaan Warbixin dheellitiran oo xaqiiqada ku salaysan, halka ay Warka Soomaaliya ku tilmaantay mid isagu xaqiiqada ka fog. Hase-yeeshee, waxay Kenya iyo Soomaaliyaba sheegeen inaanay Guddigaasi ka soo gudbin dhanka Kenya oo aanay ka soo tallaabin xuduudka labada dal wadaagaan oo ka mid ah meelaha Soomaaliya cabashada ka muujisay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.