Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Siyaabo Kala Fog uga Hadlay Warbixin Jabuuti Laga Soo Saaray

Muqdisho(aftahannews):- Dolwadaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay Guddi Xaqiiqo-raadin ah oo Urur-goboleedka IGAD u xil-saaray Jabuuti inay ka samaysay waxa sababta u ah khilaafka Safaaradaha lagu kala qaatay ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhex-taagnaa tan iyo sannadkii hore ee 2020.

Soomaaliya, ayaa  Guddigaas oo toddoba xubnood ka koobnaa oo lix Xubnood reer Djibouti ahaayeen, isla markaana ka tirsan yihiin dowladda Jabuuti, ku eedaysay inay Kenya u xagliyeen, isla markaana Warbixin ay soo saareen Isniintii toddobaadkan ay xogteedu tahay mid dhan ka raran oo xaqiiqada ka fog, isla markaana xogteeda ay ka qaateen dhanka Kenya oo keliya iyaga oo aan xataa tegin meelaha dhibaatada khilaafka keentay ka bilaabantay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo Shir Jaraa’id Arbacadii maanta ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inay wax lala yaabo iyo amakaag ku noqotay Dowladda Soomaaliya markii ay arkeen Warbixinta ay Xubnaha Guddigaas ee Jabuuti dirtay soo saareen, taas oo ay u arkaan mid aan xaqiiqo ahayn, isla markaana aanay ka filaynin Jabuuti.

Wasiir Dubbe oo Warbixintaas uu sheegay inaanay runta ka fogtay si faahfaahsan uga hadlaya, Warkiisa ka Daawo Muuqaalkan hoose:-

Hase-yeeshee, Dowladda Kenya, ayaa dhankeeda soo saartay sheegtay inay soo dhawaynayso Warbixinta Guddigu soo saartay, isla markaana waxay ku doodday inaanay waxba ka jirin dhexdhexaad la’aanta iyo dhan ka rarnaanta Soomaaliya ka muujisay Warbixintaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Monica Juma, ayaa sheegtay in ciidammada Kenya aanay marnaba kaga bixi doonin Soomaaliya xidhiidhka aan wanaagsanayn ee ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Wasiir Juma waxay sidaa ka sheegtay mar ay maanta kulan la yeelatay Xoghayaha Arrimaha Didedda ee Britain Ben Wallace oo ka qeybqaatay furitaanka Xerada Tabobbarka ciidammada Nyati ee magaalada Nanyuki.

Monica Juma
Monica Juma

“Bixitaanka ciidammada Kenya, waa waajibaadka Midowga Afrika oo ah Hay’adda oggolaanshaha bixisa. Annaga ma aha inaan go’aansanno goorta aan soo gelayno amma ka baxno..” sidaa ayey tidhi Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

 

WARQADDA KENYA KU TAAGEERTAY WARBIXINTA SOOMAALIYA KA YAABTAY EE DJIBOUTI 2021
WARQADDA KENYA KU TAAGEERTAY WARBIXINTA SOOMAALIYA KA YAABTAY EE DJIBOUTI 2021

Balse, weli ma jiro war ka soo baxay dhanka Guddiga Xaqiiqo-raadinta loogu yeedhay ee Warbixinta ay soo saareen Kenya sida farxadda leh u soo dhawaysay, Soomaaliyana sida adag u durtay jiritaanka xogtaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.