Soomaaliya oo Fasaxday Qaadka Kenya, Sababta iyo Shuruudaha ku Xidhan

Muqdisho(aftahannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay fasaxday Qaadka laga keeni jiray dalka Kenya oo ay xayiraad saartay badhtamaha sannadkii hore ee 2020-kii, waxaanay sheegtay in keenista Jaadka ee wakhtigan Shuruudo ku xidhan yihiin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, ayaa sheegay ganacsatada Qaadka in looga baahan yahay inay shati qaataan islamarkaana aysan dalka si qarsoodi ah kusoo galin, iyagoo ka dhuumanaya canshuurta ku waajibtay.

“Waxaan halkaan ka sheegaynaa inaan Jaadku cidna u xirnayn. Waxaa looga baahan yahay dadka ganacsatada ah ee Jaadka dalka keena in ay sharciga soo maraan oo qaataan rusqad ganacsi, canshuurtana aysan la dhuuman..” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Abdiraxmaan Bayle.

Wasiirku wuxuu beeniyay in dowladdu cid gaar ah u xirtay ganacsiga Qaadka, wuxuuna sheegay dowladdu inay diiday nidaamka sharuucda dalka khilaafsan ee ay ku dhaqmaan ganacsatada Qaadka.

Go’aankan uu maanta sheegay in Qaadka lagu fasaxay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadal-hayn badan dhaliyey, ayaa ku soo beegmaya xilli xalay iyo gelinkii hore ee maanta Dagaal qadhaadh oo dhimasho iyo dhaawinacba sabay ka dhacay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dirireen Malleeshiyaad Soomaali ah oo dhanka Kenya ka soo tallaabay iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kaas oo ay Xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay inay wadday Dowladda Kenya oo ay xustay in ciidammadeedu Malleeshiyada ka barbar-dagaallamayeen.

Haddaba, Wasiir Bayle oo arrinta fasaxaadda Qaadka sharraxaya, warkiisa waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.