Wararkii u Dambeeyey ee Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Balad-Xaawo, Kenya iyo Somalia oo ka Hadlay

Balad-xaawo (aftahannews):- Ugu yaraan sideed carruur ah ayaa ku dhimatay dagaalka maanta ka dhacay degmada Beled Xaawo ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo xooggaga Jubbaland.

Carruurtaas waxaa ka mid ah saddex uu dhalay Cabdi Axmed Nuur oo ku magac-dheer Cabdi Afdheere. Cabdi Afdheedr oo laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay u warramay xilli uu ku sugnaa goobta lagu aasay ilmihiisa ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen.

“Markii salaada subax laga baxay ayuu madfaca ku dhacay guriga ay ku jireen. Aniga iyo laba caug oo aan dhalay waxaan ku jirnay guri kale. Markii uu madfaca dhacay ayaan u tegay, waxaana halkaa ku jiray 20 qof oo 14 kamid ah ay goobta ku dhinteen. 14-kaas ayay carruurteyda ku jireen.” sidaa ayuu yidhi Aabbe Cabdi Afdheer.

Waxa uu sheegay in saddexdiisa carruur ah ee kaga dhintay dagaalkaas Balad-xaawo ay kala ahaayeen laba gabdhood iyo wiil, da’dooduna u dhexeyso 8 jir illaa 12 jir, kuwaas oo maantaba la aasay Meydadkooda.

Mar la weydiiyay inuu garanyo halka uu madfaca ka soo dhacay ama cidda soo riday ayaa waxa uu Aabbahan musiibadu haleeshay, ku jawaabay; “Labada dhinacba madfac wey ridayeen, anigu ma garanayo mid ku dhacay iyo cidda soo riday.”

Dhibaatada ku dhacday Cabdi intaa kuma eka oo waxaa uu dhaawac culus soo gaaray xaaskiisa iyo gabar kale oo uu dhalay. “Dhaawacooda aad buu u daran yahay. Hooyadood gacmaha ayay ka jaban tahay, madaxana firir ayaa ka gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdi Afdheere, ayaa sheegay inuu yahay qof naafo ah oo horay ugu dhaacawmay rag hubaysan oo uu kala celinayay, haddana uu biro ku socdo. Xaaladda Beled Xaawo, ayaa lagu soo warramayaa inay hadda deggan tahay, kadib markii uu joogsaday dagaalkii socday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka adkaatay ciidanka Jubbaland, isla markaana ay maxaabiis badan ka qabatay. Hase yeeshee, Jubbaland ayaa ku dooday in ciidankeeda lagu soo weerarray fariisin ay ku lahaayeen duleedka degmada, sidaas darteedna uu dagaalka ku baahay gudaha magaalada.

geesta kale, Dowladda Kenya oo warqad ku saabsan dagaalka Beled Xaawo u qortay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda magaaladaas.

“Walaaca ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in dagaalka soo cusboonaaday uu horseedi karo barakac baahsan oo gudaha Soomaaliya ah iyo dadka u qaxaya xeryaha Kenya.” sidaa ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa hore ugu eedeysay Kenya inay gudaha dalkeeda ku abaabulayso maleeshiyo duullaan ku ah Beled-Xaawo, eedeyntaas oo ay si weyn u beenisay Kenya marar kala duwan. 

Dagaalka ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xooggaga Jubbaland bishii March 2020 ku dhexmaray Beled-xaawo, ayaa sababay khasaare aad uga yar kan maanta dhacay.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay Jabhadda Hubaysan ee gudaha Kenya ka soo duushay, ay ka garab dagaallamayeen  ciidanka dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abbokor Dubbe oo maanta Warbaahinta Muqdisho kula hadlay, ayaa sheegay inay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya dagaalkaas ku qabteen in ka badan Boqol Malleeshiyaad ah, Hubkoodii iyo Gaadiidkii ay wateen, kuwaas oo uu ku tilmaamay dhalinyaro Soomaaliyeed oo been loo sheegay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.