Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay dayacday amniga guud ee dalka

Cabdikariin Xusseen Guulleed
Cabdikariin Xusseen Guulleed

Muqdisho (Aftahannews) – .Iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kala duwan oo dalka ah ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dayacyada wax ka qabashada Amniga guud ee dalka.

Cabdikariin Xusseen Guulleed oo hore u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego qaraxyada iyo weerarrada dalka ku soo badanaya ay muujinayaan in madaxda dalka iyo saraakiisha dowladda intaba ku mashquuleen dhinaca siyaasadda iyaga oo ka sii jeestay wax ka qabashada nabad-galyada.

Cabdikariin Xusseen Guulleed
Cabdikariin Xusseen Guulleed

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerarro qaarkood loo adeegsaday qaraxyo oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxaana ugu danbeeyay qaraxii maanta lala eegtay gaaidh ay la socdeen xildhibaanno hore oo ay ku dhinteen saddex askari.

Dowladda ayuu ka dalbaday in ay saraakiisha dib ugu celiso howlahooda shaqo, madaama dalku ku jiro xili doorasho oo laga yaabo in laga faa’ideyso.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.