Ciidanka Uganda oo dilay 189 ka tiran Al-Shabab

Al-shabaab

Millatariga dalka Uganda ayaa sheegay sheegay, in ciidanka Uganda ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay dileen 189 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Shabab.

Bayaan kasoo baxay Millatariga Uganda ayaa lagu sheegay, in ciidankooda ay Jimcihi weerareen xarumo ay Al Shabab ku lahaayeen tuulooyinka Siigaale, Adimoole iyo Kayitoy ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ilaa 100 km dhinaca koofurgalbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Al-shabaab
Al-shabaab

Sida ay sheegeen ciidanka Uganda, weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabab. Ma jirto wax war ah oo arrintani ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab.

Ciidanka Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta uu Midowga Africa ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ay ku lug leeyihiin ciidamo laga soo ururiyay qaar ka mid ah dalalka deriska ah iyo kuwo kale oo ku yaalla Africa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.