Dibadbaxyo xooggan oo ka dhacay Ruushka

Dibadbaxyada ka dhacay Ruushka
Dibadbaxyada ka dhacay Ruushka

Moscow (Aftahanews)- Tiro dad ah ayaa la xidhay kaddib markii dibadbaxyo xooggan ay ka bilowdeen guud ahaan dalka Ruushka.

Dibadbaxyada ayaa lagu taageerayaa Alexei Navalny oo ah siyaasi mucaarad ah kaas oo ku xidhan dalkaas.

Booliska Ruushka ayaa kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gobolka bariga ku yaalla ee Khabarovsk xilli dadka digniin lagu siiyay in guryahooda ay joogaan.

Qaar kamid ah kalkliyeyaasha Alexei Navalny ayaa la xidhay oo ay kamid tahay haweeney afhayeen u aheyd iyo sidoo kale mid ah qareenadiisa.

Dibadbaxyada ka dhacay Ruushka
Dibadbaxyada ka dhacay Ruushka

Alexei Navalny waa nin si weyn u dhaliila siyaasadda madaxweyne Putin.

Taageerayaasha siyaasigan ayaa ku baaqay in dibadbaxyo ballaadhan laga dhigo guud ahaan Ruushka.

Waxaa la xidhay Axaddii kaddib markii uu kasoo duulay magaalada Berlin halkaas oo lagu daweynayay kaddib markii uu sheegay in lagu sumeeyay gudaha Ruushka bishii Agoust ee sanadkii lasoo dhaafay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.