Halkan ka Akhriso khudbadda Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Sabtidii hor-tegay Golaha Baarlamaanka, ayaa Khudbad dheer oo dhinacyo badan uu kaga war-bixinayo u jeediyey Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Waxaanu Raysal-wasaaruhu khudbaddiisa oo qoraal ahayd ku bilaabay sidan:- “May 3, 2014 Mudane Guddoomiye, Gudoomiye ku xigeennada Golaha Baarlamaanka, Xildhibaannada sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaan idinku salaamaya salaanta Islaamka, Assalaamu Caleykum Waraxmatulaah Wabarakaatuhu.

RAYSAL WASAARE CABDIWALI SHEEKH AXMED

Waxaan ku faraxsanahay inaan manta idinla kulmo iyadoo noqonaysa markii saddexaad oo aan golihiinaan sharafta leh hor imaado. Waxaad xusuusan tihiin in kulankeennii ansixinta Golaha Wasiirada ee 21-kii January, 2014 aan idiin ballan qaaday inaan idiin soo bandhigo Qorshaha Xukuumaddu ku hawl galayso sannadka 2014 oo muddeysan kuna saleeysan himilooyinkii iyo bar tilmaameedyadii 2014-2016 ee aan u soo jeediyay kulankiinaan sharafta leh. Taas weeye waxa aan maanta idiin soo bandhigayo.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Kani waa qorshe sanadeedkii ugu horeeyay ee la sameeyo taniyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu astaan u yahay kartida iyo isbaddalka horumarineed ee ay ku talaabsadeen hay’adaha dawladda, oo maanta awood u leh in ay kaligood sameystaan Qorshahooda Hawlgal.

Dhameystirka Qorshahan waxaa ka qeyb qaatay, oo aan u mahad celinayaa, guddi farsamo oo aan ka soo xulnay dhammaan hay’adaha Xukuumadda oo aan farnay in ay muddo kooban gudaheed kusoo gudbiyaan qorshaha sanadka 2014. Guddigaasi, waxay muujiyeen firfircooni, xilkasnimo iyo dhabar-adeyg. Hawshooda ku dayashada mudan waa mid aan dooneyno in aan joogteyno sababtoo ah horumar dhab ah waxaynu gaari karnaa, kaliya, marka aan isku tashano oo aan wax walba u hurno soo celinta karaamadii qarankeenna.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Waxaa muhiim ah in hantida iyo awoodda xaddidan ee aan haysanno aanay naga firdhanin. Sidaas daraadeed, 2014-ka waxaan xoogga saaraynaa in aan gaar u soocno arrimaha mudnaanta koowaad u leh wasaarad walba. Waxay Xukuumaddu go’aansatay in diiradda lasaaro hawlaha mudnaanta gaarka leh ayadoo la tixgalinayo:

a) Ahmiyadda gaar ahaaneed ee hawlahaasi leeyihiin si loo gaaro Hiigsiga 2016-ka.
b) In hawlahaasi loo heli karo miisaaaniyad lagu fuliyo.
c) In hawlahaasi waafaqsan yihiin istiraatijiyadaha hadda jira, waqti ahaan iyo awood ahaanna la meel marin karo.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Qorshaha 2014-ka wuxuu daboolayaa:

a) Siyaasadda iyo Amniga
b) Horumarinta Dhaqaalaha
c) Kaabayaasha
d) Kobcinta Dakhliga
e) Adeegga Bulshada, iyo
f) Tayaynta Hay’adaha Dawladda

I. SIYAASADDA IYO AMNIGA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Horumarka dhowaan laga gaaray amniga ee lagu xoreeyay degmooyin muhiim ah ayaa keenay in markii ugu horraysay, muddo ka badan labaatan sanadood shacabku arkaan rajo wanaagsan ee mustaqbalka. Isbaddalkan ayaa waxaa uu abuuray jawi yididiilo oo suurto galinayaa dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada; iyo in la ambaqaado siyaasad loo wada dhan yahay. Ambaqaadkaan ayaa Xukuumaddu waxay ku tallabsaneeysaa:

(1) Curinta iyo hirgalinta siyaasad laga wada qayb qaato [inclusive politics]
(2) Xoojinta nabadgalyada iyo amniga
(3) Dib-u-habeynta iyo xoojinta caddaaladda iyo garsoorka
(4) Dib-u-habeynta iyo tayaynta siyaasadda arrimaha dibedda

I.1 SIYAASAD LAGA WADA QEYB QAATO

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Hannaan dawladnimo oo wax ku ool ah, wuxuu lagama maarmaan u yahay gaarista Soomaaliya oo nabad ah, xasiloonna; taas oo si cad ugu qeexan Hiigsiga Cusub. Si loo taabba-galiyo arrintan, Xukuumadda Federaalka ah waxay ku baahineysaa joogitaankeeda gobolada dalka, ayadoo dhisaysa wada shaqayn Xukuumadda Federaalka ah iyo maamul-goboleedyada jira iyo kuwa samaysmaya.

2014-ka, waxaan mudnaanta siineynaa:

(1) Sal-u-dhigidda hannaanka federaaliga ah,
(2) Gacansiinta sameynta maamullada degmooyinka iyo gobollada lagala wareegay kooxaha nabad-diidka ah, iyo
(3) Dib-u-eegidda iyo qabya-tirka dastuurka.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

1. Dhidib u taagidda nidaam federal ah, waxay leedahay laba ujeeddo oo muhiim ah oo kala ah:
1.1. In la abuuro hannaan federal ah oo keenaya in dawladnimada loo dhaweeyo shacabka, iyo
1.2. In la adkeeyo midnimada Soomaaliyeed.
Si loo gaaro arrimahaas, Xukuumaddu waxay bilowday, siina wadi doontaa, isu keenidda iyo la-tashiga dhammaan dhincayada ay khuseyso ee gobolada si loo taabba galiyo kawada-qeybqaadasha buuxda ee siyaasadda. Si tifaftiran haddan u sheego, Xukuumaddu:

(i) Waxay sahlaysaa curinta iyo hirgelinta hannaan iyo qaab federaali ah oo loogu adeego bulshada, kuna haboon dalkeenna;
(ii) Waxay dhammaystiraysaa sharciyada gobolada iyo degmooyinka;
(iii) Waxay dhisaysaa oo hawlgalinaysaa Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka, oo sharcigiisa la dhammeeystiray loona soo gudbinayo golihiinna sharafta leh usbuucan si aad u ansixisaan;
(iv) Waxaana aasaaska loo dhigayaa hannaanka diiwaangelinta dadweynaha si loogu diyaar garoobo dimuqaadiyenyta dalka.

1. Taageeridda dib u dhisidda maamullo laga samaynayo deegaanada lagala wareego al-Shabaab, waxaa Golaha Xukuumaddu u hawlgaleysaa:
(i) Dhismaha maamulo ku meel gaar ah iyo abuuridda kaabayaasha iyo adeegyada ay u baahin yihiin deeganadaas iyadoo la-tashi dhow lala yeelanayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaannadaas,
(ii) Dardar galinta iyo isku duwga hawlgalo lagula tacaalayo xaaladaha degdegga ah, iyo
(iii) In loo gudbo soo kabasho iyo horumar sugan oo ay gaaraan deegaanadaas ayadoo la hirgelinayo mashariic waxtar leh.

1. Dhammaystirka dastuurka qabyada ah ayadoo lagu shaqaynayo waqtiga iyo tubta uu u dajiyo golihiinan sharafta leh. Si arrintaas loo ambaqaado Xukuumaddu waxay ku dhaqaaqeysaa:
(i) Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, oo hawshiisu socoto;
(ii) Qabashada wadatashi heer qaran ah ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka; iyo
(iii) Wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo dhaqangelintiisa.

1. Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka la qoondeeyay 2016-ka.
I.2 AMNIGA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Soomaaliya oo nabad iyo amni ah waxay lama huraan u tahay dhismaha dawladnimo iyo horumarinta dalka. Taas ayaa keentay in 40% miisaaniyadda 2014-ka aan u qoondeyno sugidda amniga.

Siyaasadda amniga ee Xukuumadda waxaa saldhig u ah in loo gutto hawlaha amniga si wax ku oolnimo iyo hufnaan leh, ayadoo la dhawrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Xukuumaddu iyadoo taageersaneysa beesha caalamka, waxay fulinaysaa hawlgallo ballaaran oo looga saarayo nabad-diidka deegaanada ay ku hareen.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Waxaan ku faraxsanahay, in muddadii gaabneeyd ee Xukuumaddani jirtay, ay noo suuro gashay inaan xoreeyno sagaal degmo oo horay ugu jiray gacanta nabad-diidka. Waxaanna ku talo jirnaa dhowaan in degmooyinka kale ee harsan aynu sidoo kale xoreeyn doonno.

Qorshaha Xukuumadda ee 2014-ka ee xagga amniga waxaa saldhig u ah arrimaha ku qeexan istiraajiyadda sugidda amniga, kuwaas oo ah:

(i) Inay Xukuumaddu xoojiso ciidamada boliiska iyo nabadsugidda. Waxaan tababaraynaa 4000 oo ciidamadaas ah, waxaanna xoojinaynaa ciidamada ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedka. Waxaa xusid mudan inaan qabyo-tirnay Hindise Sharciyeedkii Ka-hortagga Argagixisada, oo dhowaan la horkeeni doono golihiinna sharafta leh.
(ii) Waxaa la xoojinayaa diyaar ahaanshaha, wax ku oolnimada iyo kartida ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijinayo in ciidanku helo mushaar joogto ah, loona dhammeeystiro agabkooda.
(iii) Waxaa la xoojinayaa kaabayaasha iyo awoodda gurmadka degdegga ah ee ciidamada, si loogu suurto galiyo inay gutaan waajibaadkooda qaran.
(iv) Waxaa dawladdu fududaynaysaa soo laabashada dhalinyarada la marin habaabiyay ee ku jira arrimaha argagaxisada iyo amni darrada, iyadoo la balaarinayo lana kordhinayo xeryaha lagu qaabilo laguna wacyi galiyo dhallinyaradaas.

(v) Waxaa la qaadayaa talaabooyin looga hortagayo in caruurta loo adeegsado ciidamada, ayadoo ay Xukuumaddu dajisay siyaasad cad oo lagu mamnuucayo in carruurta loo adeegsado ciidamada. Sannadka 2014, siyaasaddaas waa la meel marinayaa haddii Alle idmo.

I.3 CADDAALADDA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Hiigsiga Xukuumadda waa inay kaalinteeda ka qaadato dhisidda hay’ado garsoor oo madax-bannaan, si huffan oo karti lehna u gutta waajiboodkooda, kana jawaabi kara baahida garsoor ee shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Xukuumaddu ku dadaalaysaa in caddaaladdu gaarto qof walba.

Sannadka 2014-ka:

• Waxaa dib loo habaynayaa hannanka iyo qaab dhismaha garsoorka si uu u noqdo mid gaari kara heerka caalamiga ah;
• Waxaa la xoojinayaa kaabayaasha garsoorka heer degmo iyo mid gobol;
• Waxaa la tayeynayaa shaqaalaha garsoorka;
• Waxaa la xoojinayaa ciidanka asluubta iyo xabsiyada.
• Golihiinan waxaa la horkeenayaa Sharciga Garsoorka oo la dhammeystiray.
• Waxaa lagu wacyi gelinayaa dadweynaha adeegga garsoorka;
• Waxaa la qabanayaa shirar dadweynaha looga talo gelinayo arrimaha garsoorka;
• Waxaana la dhiiri-gelinayaa ururada u dooda dadweynaha oo bulshada siiya adeeg garsoor iyo caddaalad.

I.4 SIYAASADDA ARIIMAHA DIBEDDA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Xiriirka aynu la leenahay beesha caalamku wuxuu muhiim u yahay gaaritaanka Hiigsiga 2016, iyadoo beesha caalamku kaalin mug leh ka qaadaneeyso sugidda nabad-gelyada, xasilinta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Sidaas daradeed, Xukuumaddu waxay xoogga saareeysaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka aynu la leenahay dalalka iyo ururrada dunida.

Sannadka 2014-ka:

(i) Waxaa kor loo qaadayaa xirfadda iyo aqoonta diblomaasiyiinta.
(ii) Waxaa loo hawl galayaa xoojinta tayada iyo wax ku oolnimada safaaradaheenna dibedda.
(iii) Waxaa la xoojinayaa doorka aan ka qaadaneeyno hawlaha urur-goboleedyada aynu ka midka nahay.
(iv) Waxaana la xoojinayaa soo jiidashada maal-galiyeyaasha shisheeye iyadoo loo sahlayo helitaanka macluumaadka khayraadka iyo fursadaha dalkeenna.

II. HORUMARINTA DHAQAALAHA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga ayaa waxay yihiin qaybaha wax soo saarka ee laf-dhabarta u ah dhaqaalaheenna.

Sannadkan 2014:

(i) Waxaa la xoojinayaa awoodda qorsheeynta, maamulka iyo sal-u-dhigidda xog uruurinta khayraadka dabiiciga ah.
(ii) Waxaa dib loo habeynayaa hannaanka sharciyada la xiriira shirkadaha khaaska loo leeyahay ee ka hawlgala qeybaha wax soo saarka; waxaa dib loo habeynayaa ruqsooyinka shirkadaha gaarka ah; waxaana la dhiiri galinayaa dhaqdhaqaaqyada ganacsi si ay u abuuraan shaqooyin.
(iii) Waxaa la dhisayaa awoodda wax soo saarka beeraha iyo suuq-gaynta dalagga beeraha; waxaana dib loo hagaajinayaa kannaalada burburay ee beeraha.
(iv) Waxaa dib loo eegayaa loona habaynayaa siyaasadda iyo xeerarka hoggaaminaya wax soo saarka xoolaha; waxaana la dhisayaa lana dayac-tirayaa suuqyada, shaybaarrada, iyo goobaha adeegga caafimaadka xoolaha.
(v) Waxaa la xoojinayaa hannaanka ka warqabka iyo la socodka kalluumeysiga sharci darrada ah; waxaa la balaarinayaa taageerada iyo adeegga la siiyo kalluumaysatada; waxaa la hirgalinayaa Sharciga Kalluumeeysiga, oo aynu dhowaan u soo gudbin doonno golihiina sharafta leh; waxaana la xoojinayaa uruurinta macluumaadka iyo cilmi baarista la xiriirta kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
(vi) Waxaa la curinayaa siyaasad iyo maamul daahfuran ee laxiriira ka faa’iideysiga macdanta iyo batroolka dalka taasoo ku qotonta maslaxadda waqtiga dheer ee ummadda; waxaa la xoojinayaa helitaanka macluumaadka macdanta iyo batroolka; waxaanna la dajinayaa qorshe iyo cilmi baaris la xiriira soo saarka macdanta iyo batroolka.
(vii) Waxaa la dhiirri galinayaa ganacsiga aynu la leenahay dalalka kale; waxaa la dhammeeystirayaa Sharciga Maalgashiga Shisheeyaha; waxaana la abuurayaa jawi dhiirri galiya maalgelin shisheeye.

III. KAABAYAASHA DHAQAALAHA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Kaabayaasha dalkeenna waxaa soo gaaray khasaaro baaxad leh oo ka yimid in ka badan labaatan sano oo dagaallo, bur-bur iyo dayac ah. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in dib-u-dhis degdeg ah lagu sameeyo kaabayaasha muhiimka ah sida tamarta, biyaha, jidadka, garoonnada diyaaradaha, dekedaha, nadaafadda, adeegyada magaalooyinka iyo deegaannada. Kaabayaasha oo liita waxay xaddidayaan fursadaha horumarineed, waxayna culays xooggan saarayaan kobaca dhaqaalaha. Dhinaca kale, dib-u-dhiska dekedaha, garoonada diyaaradaha iyo buundooyinka waxay sahlayaan abuuritaanka fursado cusub ee ganacsi iyo kuwo shaqo, waxayna sahlayaan in la gaari karo bulshooyinka danyarta ah ee deggan meelaha durugsan.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Sannadka 2014:

(i) Waxaa la balaarinyaa awoodda hay’adeed ee Wasaaradda Hawlaha Guud si loo horumariyo kaabayaasha iyo dhismayaasha guud; waxaa la dajinayaa siyaasad iyo qorshe lagu horumarinayo jidadka; waxaana laga hawl galayaa hannaan lagu xaqiijinayo tayada dhismaha.
(ii) Waxaa la casriyeynayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo shaqadiisu bilaabatay; waxaana la hormarinayaa iskaashiga duullimaadka hawada ee nagala dhexeeya dalalka kale.
(iii) Waxaa dib-u-habeyn lagu sameynayaa shuruucda isgaarsiinta; waxaana la xoojinayaa adeegyada iyo kaabayaasha ICT-da si loo sahlo koboca iyo adeegga dhaqaalaha.
(iv) Waxaa laga hawl galayaa horumarinta biyaha gobollada iyo degmooyinka iyadoo la dayac tirayo lana dhisayo ceelasha iyo agabka biyo soo saarka; waxaana dib loo habeynayaa siyaasadaha iyo sharciga biyaha.
(v) Waxaa la dajinayaa siyaasad abuuraysa nidaam lagu suurto galinayo adeeg koronto-galin jaban; waxaana loo hawlgalayaa ka faa’iideysiga tamarta cadceedda.
(vi) Waxaa la dajinayaa qorshe lagu balaarinayo laguna casriyeynayo dekedda Xamar; waxaana la xoojinayaa nidaaminta iyo maareeynta Gaadiidka Badda.

IV. KOBCINTA DAKHLIGA IYO HAGAAJINTA MAAMULKA MAALIYADDA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Hadafka koowaad ee kobcinta dakhliga, waa inaan koror mug leh ee dhanka dakhliga ah gaarno sanadkan 2014-ka gudahiisa marka la barbar dhigo kii 2013. Waxaa dib loo habaynayaa lana xoojinayaa ururinta canshuuraha berriga oo kaalin weyn ka qaadanaya dakhliga qaranka.

Sanadka 2014:

(i) Waxaa si degdeg ah kor loogu qaadayaa awoodda dakhli ururinta iyadoo la dhisayo hannaan daahfuran oo la xisaabtan leh.
(ii) Waxaa dib loo habeynayaa xeerarka lagu maamulayo maaliyadda; waxaa la xoojinayaa hannaanka iyo ku dhaqanka miisaaniyadda dawladda; waxaana la dhisayaa lana xoojinayaa xafiisyada Hanti Dhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee qaranka.
(iii) Waxaa la xoojinayaa xeerarka iyo ku dhaqanka hannaanka wax iibsiga dawladda si looga fogaado mususmaasuqa iyo wax isdaba marinta.
(iv) Waxaa la hirgalinyaa siyaasad hufan iyo habraac daahfuran oo lagu maamulo heshiisyada la xiriira kheyraadka iyo hantida qaranka.
(v) Waxaa dib loo habeynayaa loona hawlgelinayaa hay’adaha qaran ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.
(vi) Waxaa la dhameystirayaa dhisidda xog ururinta daynta iyo daymihii hore ee nalaku lahaa si ay noogu suuroowdo inaan dib ugu noqonno ka faa’iideeysiga suuqyada maaliyadeed ee caalamka.

V. ADEEGYADA BULSHADA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Xoojinta bixinta adeegyada bulshada waxay aad muhiim ugu tahay xukuumaddeeyda maadaama ay wax ka qabanayso daboolidda baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sannadka 2014-ka:

(i) Xagga arrimaha diinta:

a. Waxaa la xoojinayaa faafinta iyo wacyi galinta shacabka ee ku saleysan fahamka saxda ah ee diinta Islaamka iyo ku dhaqanka akhlaaqda Islaamka.
b. Waxaa la sameeynayaa wacyi-galin diimeed ee looga hortago xagjirnimada laguna dhiirri-galinayo isku-duubnaanta bulshada.
c. Waxaa loo fududeeynayaa dadweynaha gudashada Xajka iyo cumrada iyadoo laga shaqeeyn doono in shacabka loo fududeeyo helidda fiiseyaasha lana hagaajiyo adeegga loo qabanayo.
d. Waxaa la xoojinayaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed; waxaana la sameeyn doonaa Golaha Fatwada.
e. Waxaa loo hawgalayaa in laga faa’iideeysto awqaafta; waxaana bulshada lagu wacyi galinayaa doorka ay ku leedahay horumarinta bulshada.

(ii) Xagga waxabarashada:

a. Waxaa la dardar galinyaa barnaamijka Aada Dugsiyada ee lagu hiigsanayo iney waxbarasho helaan hal milyan oo carruurteenna ah.
b. Waxaa la hirgelinayaa waxbarasho baddiil ah, barnaamijyada waxbarasho ee aan rasmiga ahayn iyo tababarrada farsamo iyo xirfadeed ee loo fidinayo dhalinyarada shaqo la’aanta ah iyo dadka waaweyn (TVET).
c. Waxaa la kordhinayaa fursadaha helitaanka waxbarasho ee gabdhaha.
d. Waxaa la xoojinayaa hayadaha waxbarashada iyo maamulka dugsiyada; waxaana kor loo qaadayaa awoodda waxqabad ee waxbarashada dawladda dhexe, dawlad goboleedyada, degmooyinka iyo deegaannada.
e. Waxaa la kordhinayaa macalimiin waxbarid u diyaarsan loona qabanayaa barnaamijyo tababar ka hor inta aysan shaqada bilaabin iyo inta ay shaqada ku jiraanba, tababarradaas oo ay ka mid yihiin hab waxbarid uu ardayga udub-dhexaad u yahay iyo nidaam la xiriira maamulka macalimiinta.

(iii) Xagga tacliinta sare:

a. Waxaa la sameeynayaa Komishanka Tacliinta Sare.
b. Waxaa la kordhinayaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha tacliinta sare.
c. Waxaa dib loo habeynayaa xeer nidaamiya hubinta tayada tacliinta sare.
d. Waxaa dib loo furayaa Jaamacadda Ummadda.
e. Waxaa la hubinayaa maamul-wanaagga iyo maaraynta huffan ee deeqaha waxabarashada.
f. Waxaana loo hawl-galayaa xoojinta hiddaha iyo dhaqanka iyo soo nooleeynta xarumaha taariikhiga ah.

(iv) Xagga caafimaadka:

a. Waxaa la bilaabayaa adeeg caafimaadka bulshada ah oo wajiga 1-aad laga hirgelin doono lix gobol.
b. Waxaa la sii wadayaa ololaha ka hortagga Malaariyada, HIV, iyo TB-da.
c. Waxaa kor loo qaadayaa tallaalka cudurrada faafa.
d. Waxaa la kordhinayaa tirada iyo tayada kaadirka caafimaadka.
e. Waxaa dayactir iyo dib u dhis lagu samaynayaa rugaha caafimaadka iyo xarumaha tababarka caafimaadka.
f. Waxaa kor loo qaadayaa aqoonta iyo dhaqanka lagama maarmaanka u ah caafimaadka caruurta, nafaqaynta iyo dhaqanka “WASH”.

(v) Xagga shaqada iyo shaqaalaha:

a. Waxaa dib loo habeeynayaa lana dhaqan galinayaa Sharciga Shaqada iyo Shaqaalaha.
b. Waxaa la xoojinayaa xiriirka hey’adaha caalamiga ah ee horumariya shaqada iyo shaqaalaha. Taas waa aynu bilownay oo waxaan dhowaan tagay xarunta ururka Shaqada Adduunka ee ILO, halkaas oo aan heshiisyo lagu horumarinayo shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed kula soo galnay hay’addaas.
c. Waxaa la sameeynayaaa xog ururin iyo cilmi baaris si loo taxliiliyo ifafaalayaasha suuqa shaqada.
d. Waxaa loo hawl galayaa in shaqo loo abuuro dhallinyarada.
e. Waxaana loo hawl galayaa gacansiinta naafada iyo howlgabka iyadoo ay Xukuumaddu ku dadaalayso in xirfado iyo shaqo loo abuuro muwaadiniinteeda naafada iyo hawl gabka ah.

(vi) Xagga arrimaha dumarka & xuquuqul insaanka:

a. Waxaa la hirgalinayaa Khariidadda Xuquuqda Insaanka.
b. Waxaa la sameynayaa Guddiga Qaranka ee Xuquuqul Insaanka.
c. Waxaa la diyaarinayaa siyaasad lagu ilaaliyo xuquuqda qaybaha nugul ee bulshada.
d. Waxaa la diyaarinayaa hannaanka dhowrista xuquuqda carruurta.
e. Waxaa la xoojinayaa ololaha ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah.
f. Waxaana la dajinayaa siyaasad cad iyo wacyi gelin looga hortago ku gabbood-falka haweenka (sida kufsiga).

(vii) Xagga Dhallinyarada iyo isboortiga:

a. Waxaa la dhiirri-gelinayaa tayaynta iyo abaabulka ururrada dhallinyarada.
b. Waxaa la ballaarinayaa fursadaha shaqo ee dhallinyarada.
c. Waxaana la xoojinayaa ciyaaraha isboortiga ee dhallinyarada.

(viii) Xagga Warfaafinta

a. Waxaa la xoojinayaa kormeerka qaybaha warbaahinta.
b. Waxaa la ballaarinayaa adeegyada warbaahineed ee dawladdu bixiso iyadoo la kordhinayo tayada barnaamijyadooda.
c. Waxaa la dhammeeystirayaa Sharciga Saxaafadda Madaxa-bannaan.
d. Waxaa la xoojinayaa hawl-galka Golaha Murtida iyo Madadaalada.
e. Waxaa la xoojinayaa doorka warfaafinta ee wacyi-galinta ka dhanka ah xagjirnimada, horumarinta dalka iyo xasilinta siyaasadda.
f. Waxaana la xoojinayaa doorka fanku ku leeyahay wacyi gelinta bulshada.

VI. TAYEYNTA HAY’ADAHA DOWLADDA

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,
Maadaama uu waddanku ku jiro bilowga soo kabashada, waxaa baahi badan loo qabaa in xoogga la saaro dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo kartidooda waxqabad si loo gaaro fulinta Qorshe Hawleedka 2014-ka. Taas waxaa lagu gaarayaa:
(i) In la dayac-tiro xarumaha wasaaradaha lana hawl-geliyo aaladaha teknoolajiyada (sida internetka, isticmaalka kombuyuutarada iyo isgaarsiinta).
(ii) In dib loo habeeyo Maamulka Shaqaalaha Dowladda.
(iii) In la qoro dib-u-eegisna lagu sameeyo shuruucda & xeerarka hay’adaha.
(iv) In la kordhiyo tayada shaqaalaha iyada oo lagu soo biirinayo xirfadleyaal iyo xeel-dheerayaal.
(v) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka dowliga ah.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Qorshe Hawleedkani wuxuu ku dhisan yahay mudnaanaha Xukuumaddu ay u aragto in ay suurtogal yihiin in la fuliyo sannadka 2014 iyo odoros in la helo maalgalinta laga quudaraynayo dakhliga gudaha iyo beesha caalamka. Xukuumaddu waxay ku dadaali doontaa u hawlgalka in la helo maalgalinta loo baahan yahay si loo fuliyo barnaamijka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in fulinta barnaamijka ay saameyn ku yeelan karaan xaaladaha nabadgalyo iyo siyaasadeed oo haddii degganaansho la’aani dhacdo keeni kara dib u dhac ama inaaney qabsoomin hawlo la qorsheeyay.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Fulinta Qorshe Hawleedkan waxaa barbar soconaya la socod joogto ah oo saddex bilood oo kasta ay wasaaraduhu soo gudbin doonaan warbixin horumarka la gaaray la xiriirinaysa hawlihii qorsheeysnaa, iyo qiimeeyn la qiimeeynayo in wax-qabadku gaarsiisan yahay yoolashii la dhigay. Wasaaraduhu waxay si joogta ah ula qaybsan doonaan guddiyada Baarlamaanka ee ku aadan hawlahooda heerka fulinta barnaamijka iyo caqabadaha la soo gudboonaada.

Maadaama uu qorshahani yahay kii ugu horreeyay, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in muddo ka dib la qiimeeyo lana sameeyo wixii isbaddal ah oo loo baahdo oo qorshaha fulintiisa sahli kara, taas oo wasaaraduhu la qeeybsan doonaan guddiyada Baarlamaanka.
Waxaa muhiimad gaar ah iigu fadhida inuusan qorshahan noqon mid qoris uun ku ekadaa, sidaas darteed waxaa naga go’an inaan taageerada loo baahan yahay siinno wasaaradaha si ay u gutaan waajibaadka horyaalla.

Mudane Guddoomiye, Xildhibaannada sharafta leh,

Haddaba, inaan ka guul gaarno howlaha balaaran ee ina hor yaala waxaa fure u ah wadashaqeynta iyo taageerada Golaha Baarlamaanka. Waxaa la gaaray xilligii aan muujin laheyn midnimo si loo xaqiijiyo dhammeeystirka waajibaadka ina hor yaala. Waxaan hubaa in Baarlamaanka iyo Xukuumaddan aan horumuudka ka ahay ay yeelan doonaan wada-shaqayn dhab ah si shacabka Soomaaliyeed aan uga samata bixinno horumar la’aanta iyo amni darada ku habsatay.

Ugu dambeyntii, waxaan u dhago furannahay kormeerka iyo tilmaamaha golihiinnan sharafta leh – waxaan mar walba xaqiijin doonaa inaan sameyno xiriir iyo wadatashi joogto ah oo ku dhisan hirgelinta waajibaadka qaran ee naga dhexeeya. Runtii, waxa na horyaala waa howl culus. Waqtiga iyo awoodda aan heysanana waa mid kooban. Shacabka Soomaaliyeedna wuxuu naga filayaa inaan u shaqeyno si loo gaaro isbaddal dhab ah.
Ujeedkaas ayaan rajeynayaa in uu noqdo mid nagu haga iskaashi, wada tashi iyo wada shaqeeyn.

Bar-tilmaameedkeennu waa midnimo, horumar iyo nabad!

Mahadsanidiin!.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeya/Somalialnd.