Qarax lagu dilay masuuliyiin oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax Mas'uuliyiin Lala Eegtay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax Mas'uuliyiin Lala Eegtay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews) — Qaraxan ayaa la eegtay gaadhi ay la socdeen mas’uuliyiin hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Gaadhiga ayaa waxaa la socday xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Muxuyidiin Xassan Afrax iyo Xusseen Caraale, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxan.

Qarax Mas'uuliyiin Lala Eegtay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax Mas’uuliyiin Lala Eegtay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa sidoo kale ku dhintay sadex askari oo la socday gaadhiga qaraxa lala eegtay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo dhowr ah oo sidan oo kale uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu dilay mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiil ciidan intaba oo ka tirsan Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.