Canada oo Soomaali ku tilmaantay inaanay ahayn Madow sax ah

Ottawa (Aftahannews) — Mas’uuliyiinta hay’adda u adeegta bulshada Soomaalida oo ka dhisan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegay in ay la fajaceen go’aan ay waax ka tirsan dowladda ugu diidday dhaqaale loogu talagalay, kaddib markii ay ku tilmaantay in Soomaalidu ayna ahayn madow sax ah, sida uu shaaciyay telefishinka CBC.

“Maanta xilligan uu adduunka marayo in wax noocaas oo kale ah lala kulmo waa arrin aad iyo aad iyo aad looga naxo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaaji Aadan oo ka mid ah aasaaseyaasha hayadda Soomaalida caawisa ee dhaqaalaha loo diiday.

“Dadka go’aannadan ay kasoo baxeen ama waxay kasoo jeedaan duni kale ama kama tirsana bulshada madowga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxay hayaddooda ka mid ahayd boqollaal hayadood oo dowladda Canada ay codsigooda dhaqaale ku gacan saydhay maadaama ay kasoo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale, Agaasimaha hayaddan Soomaalida caawisa, Cabdirisaaq Karod, oo bartamihii sanadkii hore codsiga dhaqaalaha u gudbiyay xafiiska dowladda ee bixiya kharashka lagu hormariyo bulshooyinka madowga ah ee dalkaas, ayaa sheegay in uu marnaba aamini waayay jawaabta diidmada ah ee lagu soo celiyay iyo sababta loo cuskaday toona.

Lacagta ay dalbadeen ayuu sheegay in dadka lagu caawiyo loogu iibiyo qalabka shaqada – sida kumbuyuutarrada – sidoo kalena loogu fuliyo adeegyo kale oo aasaasi ah.

“Waxaan helay email lagu odhanayo in hayaddeenna ayna ahayn mid ay madow hoggaamiyaan,” ayuu yidhi Karod. “Ma aanan rumeysanin wixii aan akhriyay. I rumeyso ilaa saddex jeer ayaan akhriyay warqadda.”

Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo Horumarka Bulshada ee dowladda Canada, Axmed Xuseen ayaa sheegay in warqadda hayadda Soomaalida ah loogu diiday dhaqaalaha qodobka loo sababeeyay uu yahay mid aan la aqbali karin.

“Warqaddii dhawaan ay dirtay waaxdeyda oo la gaadhsiiyay hayadda ku guul darreysatay codsigeeda shaqaale raadinta ah waxay ahayd mid aan gabi ahaanba la aqbali karin,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Wasiirka, oo qudhiisa ku dhashay Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray: “Islamarkii warqaddaas la i tusayba, si deg deg ah ayaan u dalbaday in laga noqdo go’aankaas, waxaana la kulmay saraakiisheyda si aan ugala hadlo khadalka dhacay iyo sidii uu markii horeba ku yimid.”

Laakiin hadalka kasoo baxay wasiirka ma aha mid ku filan daweynta dhaawaca dhankooda soo gaadhay, sida uu qabo Maxamuud Xaaji Aadan.

“Sidee bay waaxda dowladda ee magaceeda loo soo gaabiyo ESDC u hagaajin doontaa dhaawaca soo gaadhay xidhiidhkii ka dhaxeeyay iyada iyo bulshada madowga ah? Waxaa na heysta caqabado aad u badan iy dhibaatooyin badan. Kalsoonidii aan hannaanka dowladda ku qabtay dhaawac weyn ayaa gaadhay,” ayuu yidhi.

Bishii October ayey hadal heyn ballaadhan ka dhalatay daraasad Soomaalida ku dartay bulshooyinka caddaanka ah.

Warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – ayaa bulshada Soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah.

“Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka.

Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore.

Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda.

1. Mareyykanka Madow ama Kuwa Afrika

2. Mareykanka Hindiga ah ama dadka u dhashay Alaska

3. Reer Aasiya

4. Dadka la yidhaahdo Pacific Islander ama muwaadiniinta Hawaii

5. Caddaan

Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta.

 

BBC