Duqa Caasimadda rejo fiican u muujiyey Ganacsatada khasaaruhu ka soog aadhay Dabkii Kaalinta Kaah

Hargeysa, Somaliland ()-Maayirka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Caawa ka tacsiyadeeyey xarunta ganacsiga Kaah khasaarihii dabka ahaa ee ka soo gaadhay dabkii ka qarxay.

maayarka-Hargeysa

Maayirka ayaa sheegay inay si weyn uga hawlgaleen bakhtiinta dabkaasi, isla markaana  ay u fudiyeen dabdamis kii dawladda hoose ka qaybqaaatay bakhtiintaasi.

Sidoo kale, Maayirku waxa uu madaxweynaha uga mahad naqay gacanta weyn ee uu ka gaystay soo iibinta Dabdamisyo ay caasimadu hesho, waxaanu xusay inay magaaladda soo gaadheen shan dab-damis oo cusub oo ay iska kaashadeen xukuumadda dhexe oo madaxweynuhu hormood ka yahay, ganacsatadda iyo Dawladda hoose ee Hargeysa.

Maayirka oo ugu horeyn tacsi u diraya khasaaraha soo gaadhay meheradda Kaah ee waxyeeladda dabku ka soo gaadhay, waxaanu yidhi “waxaan ka tacsiyedaynayaa xarunta ganacsiga ee KAAH khasaarihii dabkaasi soo gaadhsiiyey, arrinta dabku waa aafo qaran oo shacab iyo dawladda u baahan in laga wada qaybto, waxaan dadweynah ugu bushaaraynayaa inay magaaladda soo gaadheen shan Dab-damis oo ay caasimadu yeelan doonto, kuwaas oo soo iibintoodda ka qaybqaateen ganacsatadda reer Hargeysa, madaxweynaha iyo dawladda hoose, waxaana madaxweynaha uga mahad celinayaa taageeradda laxaadka leh ee uu ka gaystay inay caasimaddu dab damisyo badan yeelato, waxaana hadda magaaladda soo gaadhay shan dab damis oo cusub, laba hore ayey u lahayd, waxaanay dab damisyadaasi gacan weyn ka gaysan doonaan Dab ka qarxa magaaladda oo markii hore awood loo lahayn in la bakhtiyo, waxaana xarumo laga samayn doonaa xaafadaha magaaladda Hargeysa si khasaaraha dabka loo yareeyo”.

Mar uu ka hadlayey maayirka khasaaraha uu gaystay dabkaasi waxa uu yidhi“Dhawr gaadhi oo ka ag dhowaa ayaa ku gubtay, dhawr qofna way ku dhaawacman, meherada khasaare ayaa soo gaadhay marka aad iyo aad baan uga xunaya dhibtaasi uu dabkaasi keenay, gacana wayna waan ka geysanay bakhtiinta dabkaasi”.

Maayirka Caasimadda Hargeysa ayaa markiiba booqday goobta dabku ka kacay, isla markaana tacsi u diray ganacsataddii dabkaasi khasaaraha u geystay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.