Dhismaha Shirkadda sameysa Tallaalka Covid-19 oo dab qabsaday

Dhismaha Shirkadda sameysa Tallaalka Covid-19 ee Hindia
Dhismaha Shirkadda sameysa Tallaalka Covid-19 ee Hindia

Delhi (Aftahannews) – Shan qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay xaruunta ugu weyn ee soo saarta tallaalka ee galbeedka dalka Hindiya.

Dabka ayaa ka kacay guri dhisme ku socday isla markaana ah xaruunta machadka Serum oo ku taalla magaalada Pune.

Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinayay qiiq fara badan oo ka baxayay dhismaha ku yaalla xaruunta shirkadda soo saarta tallaalka.

Shirkadda ayaa sheegtay in wax soo saarka tallaalka aanu saameyn doonin dabkaan. Lamana oga waxa sababay dabka ilaa iyo hadda.

Dhismaha Shirkadda sameysa Tallaalka Covid-19 ee Hindia
Dhismaha Shirkadda sameysa Tallaalka Covid-19 ee Hindia

Dabka ayaa markii dambe la xakameeyay, laakiin duqa magaalada ayaa xaqiijiyay in shan qof ay dhinteen.

Maamulaha Machadka Serum, Adar Poonawalla, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yidhi sidaan “Waxaan hadda helnay xog cusub oo naxdin leh; baadhitaanka dheeriga ah waxaan ku ogaanay in khasaaro nafeed uu ka dhashay dhacdadaan”.

“Aad ayaan uga murugoonay waxaana tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mr Poonawalla wuxuu sheegay in ayna wax saameyn ah ku yeelan doonin soo saarista tallaalka Oxford-AstraZeneca, ee gudaha dalkaas looga yaqaan Covishield.

Covishield waa mid ka mid ah laba tallaal oo ay oggalaatay dowladda Hindiya si loogu isticmaalo barnaamijkeeda la dagaalanka covid-19 oo bilowday todobaadkii la soo dhaafay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.