Saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo la soo qabtay

Wasiiru dowlaha Amniga Soomaaliya
Wasiiru dowlaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta lugu dhigay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay wakhti danbe lagu dilay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka guddoomiyaha degmada Hodan ka danbeeyeen ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliya, islamarkaana gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyaha.

Wasiiru dowlaha Amniga Soomaaliya
Wasiiru dowlaha Amniga Soomaaliya

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili falka arntan ku saabsan dowladdu u soo xidhay guddoomiyayaashii saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.