Ra’iisal Wasaare Rooble oo nasiib darro ku tilmaamay dilkii guddoomiyaha degmada Hodan

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

”Waxaan tacsi  u dirayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

Hay’addaha Amniga ayuu faray in ay baadhitaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdikarim Dhegajuun uu ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in guddoomiyaha gaadhigiisa ay rasaas ku rideen ciidamo ku sugnaa barkootarool oo ku taalada degmada Hodan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.