Wakiilada beesha caalamka oo kulan khadka Internetka kula qaatay madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Aftahannews) – Wakiilada beesha caalamka ayaa maanta kulan khadka internetka kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni, iyagoo ka wada hadlay xal u helida caqabadaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xidhiidh ah oo saaxiibbada caalamka la yeelanayeen hoggaamiyayaasha dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, iyadoo ujeedadu tahay in xal midaysan laga gaadho khilaafka doorashada ka taagan.

Saaxiibbada caalamka ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu sii wado xal u helidda caqabadaha doorashooyinka dalka iyadoo loo marayo Wadahadal iyo isu-tanaasul.

Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland

Walaaca laga qabo qabsoomida doorashada xilligeeda ayaa hadda ah waxyaabaha keeni kara in loo baahdo in la galo heshiis cusub oo jeexaya jadwal cusub oo doorasho, kaasoo wax ka bedelaya hannaankii hore loogu heshiiyay oo muran badan uu ka taagan yahay.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay abaabusho shir kale oo lagaga hadlidoono sidii heshiis looga gaadhi lahaa khilaafka doorashada hadheeyay, iyadoo lagu wado in meesha laga saaro qodobo dhowr ah oo ufududayn xalka doorashada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.