Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Muqdisho+Sawirro

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa maanta qaybo kala duwa oo magaalada Muqdisho ah ka dhacay dibad-baxyo waa weyn oo ay dhigeen Dadweynaha magaaladaasi.

Dadweynahan ayaa ka caydhaysnaa dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakad-geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Sidoo kale, dadka dhigayey dibad-baxa ayaa taayiro ku gubay laamiga, sidoo kalena biro iyo dhagaxaan ku gooyey.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka guddoomiyaha, iyaga oo cadaalad ka dalbaday dowladda Soomaaliya.

Shacabkan isugu soo baxay dibadbaxa ayaa sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa inuu iska hor imaad ku dhintay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay uun ku soo laabtay Muqdisho.

Si kastaba dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa dhaliyey xiisad xoogan, iyadoo haatan ay socdaan baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan dilkiisa, waxaana loo xidhay illaa 9 askari oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.