Maxaa ku Cusubbaa Carwada 9-aad ee Ganacsiga Somaliland ee Burco?

Burco (Aftahannews)- Waxaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer maanta laga daah-furay carwada 9aad ee Ganacsiga Somaliland.

Waxaana furitaankeeda ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan laamaha Xukuumadda iyo Hay’addaha kale ee Dawladda.

Wasiirrada Wasaaraddaha Ganacsigaa, Maal-gashiga, wakiillo ka socda Asxaabta Qaranka iyo dad kale oo haldoor ah ayaa iyaguna ka qayb galay Xaflada, waxaana sidoo kale madasha qayb ka ah wakiillo metelaya shirkaddaha Ganacsiga ee ka qaybgalaya Carwada.