Xildhibaan Qabile oo sheegay in qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan hore u dhaqaajin karaan Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay sannadkan dhacaan, waxaanu tallooyin u soo jeediyey Komishanka, Xukuumadda iyo Masuuliyiinta kala duwan ee ku tartamaya Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Ilaa hadda hawsha socotay ama Diiwaangelinta ha noqoto ama hawlaha kale ee la xidhiidha ha noqoto waan hambalyeynayaa, ee rido waranka lalama gano haddii aanay gacantu raacayne, Komishanku haddii ay wada qaban karaan labada Doorasho waynu eegi doonaa, kolay kalsooni bay muujiyeena, arrinka ugu weyn ee la eegayo waa haddii Komishankaasi inoo qabtaan Doorashooyin bilaa musuq-maasuqa marag caalamiya ayaa u kacaya Somaliland, oo meeqaamka aynu maanta taagan nahay aynu kaga dhaqaaqnaynaa,  haddii ay Komishankani inoo qabtaan Doorashooyin xor ah oo lagu wada kalsoon yahay, oo bilaa musuqa baal dahab ah ayey galayaan, oo taariikhdu way qori doontaa, Xukuumaddana waxaa looga baahan yahay inay amniga Doorashooyinka sugto si aynu uga dhaqaaqno mustawaha aynu maanta marayno, waxtarka Doorashooyinkuna waxay noqonayaan markay noqdaan Doorashooyin bilaa musuq-maasuqa”.

Mar uu ka hadlayey  musharixiinta ku tartamaya Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ayuu yidhi “Goleyaal Deegaanka ha noqdaan ama Gole Wakiil ha noqdaan masuuliyiinta u sharaxan xilalkan waxaan leeyahay si bilaa turxaana u tartamaya, kuwa uu calafku siiyana waxaan rajeynayaa inay noqdaan kuwa dalkooda iyo dadkoodaba anfaca”.

Mar uu ka hadlaayey kursigiisa ayuu yidhi “Anigu waxaan ahay oday ka tagaya kursiga, oo da’ tirsanaya, Mudanayaasha aanu isku Gole nahay waa xor oo Mudanaha rabaa dib ayuu isku soo sharaxaya, Mudanaha rabaana sida anigoo kale ayaanu isa soo sharaxayn”

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika