Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo qarax ka badbaaday

Muqdisho (Aftahannews)- Warrarka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamad Cabdillahi Cariif uu ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday gaadhigiisa inta u dhaxeeysa Altooba iyo Shakata ee isla degmada Yaaqshiid.

Illo ku dhawdhaw maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hal askari oo ilaallada gudoomiyaha kamid ah uu ku dhintay qaraxa isla markaana ay ku dhaawacmeen labo kale.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, balse indhawaalaba Al-Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada wadada dhinaceeda la dhigo ee lagu bartilmaameedsado saraakiisha dawladda.

Shalay ayay ahayd markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay duleedka Muqdisho lagu dilay afar qof oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.