Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo luminaya xuquuqda cod bixinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

QARAMADA MIDOOBAY
QARAMADA MIDOOBAY

Mudisho (Aftahannews) – Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in sagaal wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto iyo dalka Iran inay luminayaan xuquuqdooda codbixinta sida ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ka dib markii ay iska bixin waayeen xuquuqdooda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud, Volkan Bozkir, ku sheegay lacagta ugu yar ee 10ka dal u baahan yihiin inay bixiyaan si xuquuqdooda codbixinta dib loogu soo celiyo.

QARAMADA MIDOOBAY
QARAMADA MIDOOBAY

Iran ayaa ugu sareysa liiska waxayna u baahan tahay inay bixiso $ 16,251,298. Waxaa ku xiga Soomaaliya, oo ay tahay inay bixiso $ 1,443,640. Comoros $ 871,632, Sao Tome and Principe $ 829,888, Libya $ 705,391, Congo $ 90,844, Zimbabwe $ 81,770, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $ 29,395, koonfurta Sudan $ 22,804, iyo Niger $ 6,733.

Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu siinayaa 193-ka xubnood ee Golaha Guud, awood uu ku go’aansado in ku guuldareysiga bixinta ay sabab u tahay xaalado ka baxsan awooda xubinimada,” taasoo ka caawinaysa inay wax doorto.

Comoros, Sao Tome iyo Principe iyo Soomaaliya waxay ku jiraan dalalka aan weli lagusoo rogin cunaqabayn ka hor istaagaysa xuquuqdooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.