Xildhibaan Xoog oo sheegay in xilli aan munaasib ahayn xilalka laga qaaday masuuliyiinta gobollada Bariga

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinka isku sidkan ee la qabanayo sannadkan, waxaanu baaq u diray Xukuumadda iyo Komishanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay siduu u arko Masuuliyiin ka soo jeeda Gobolada bari ee dalka oo uu Madaxweynuhu dhawaan xilka ka qaaday,  “Qabsoomidda Doorashooyinka waa waajibaadka Xukuumadda saaran, oo aanay cid kale la wadaagin, Madaxweynuhuna waa kii yidhi waa la qabanayaa, haddii la sii daayo lacagaha la ururiyeyna waa la qaban karaa, markaas in la qabto wakhtiga loo cayimay Doorashooyinka waan soo dhaweeynayaa”.

Mar uu baaq u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayuu yidhi “Muddo dheer bay la isku haystaa Doorashooyinka oo Xisbiga aan ka tirsan nahay ee Waddani wuxuu diidaanaa Komishankii hore, maadaama madaw madaw badani ku gadaamnaa Doorashadii Madaxtooyada ee uu ku soo baxay Madaxweyne Biixi, cabasho badan oo aanu muujinay ayaa keenay in Komishankii hore la beddelo, Komishanka waxaan filayaa inay cashar ku qaadan doonaan, inkasta oo lahaa Guddoomiyaha Komishanka Riyo raac si adag looga hor yimid, Xisbiga lagu tirinayey, waxaan filayaa in Komishankani uu is ilaalin doono, qaban doonana Doorashooyin xor iyo xalaal ah, inkasta oo Doorashooyinkan aanay laba qof iyo saddex qof toona tartamayey, oo ay tartamayey saddex meelood oo min laba iyo siddeetan ah, oo lagu tartamayey Kuraasta Wakiilada iyo kuraasta Golayaasha Deegaanka oo kaba sii badan, haddana Komishanka mar walba waxaa laga rabaa inuu garsoorka dhex dhexaad ah noqdo, oo Xisbiyada dhex u ahaado, inkasta oo ay Diiwaangelintii si fiican u qabteen, Doorashooyinkana waxaanu ugu baaqayaa inay si fiican u qabtaan”

Mar uu ka hadlaayey Masuuliyiin uu Madaxweynuhu xilal ka qaaday ayaa yidhi “Agaasimayaal guud oo Diiwaangelinta aad uga shaqeeyey oo Diiwaangelintii ka dhacday deeganaada kala duwan ee hoos yimaadda Buuhoodle, oo xittaa Gobolka Sool, deegaanadiisa kala duwan ka soo gurayey dadka, kana diiwaangaliyey, ayaa iyagoo xilkoodii qaran iyo waajibkii ka saarnaa umadda gudunaya, isna xilqaamay ayaa iyagoo dadkii ay diiwaangelinayeen gawaadhidiid iyo waraadadii saaran, waxay Agaasimayaashani in loo abaal gudbo iska daaye, iyagoon boodhkiiba ka maydhan waxay warbaahinta ku arkeen in xilalkii laga qaaday, markaas waxaan leeyahay Agaasimayaasha iska dulqaata, arintaas la idinku sameeyey ee uu Madaxweynuhu xilka idinkaga qaaday idinkii hawl ku jira xaal baanu ka bixinaynaaye”.