Kulan loogu Duceeyey Marxuumad Shugri Xariir oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa (Aftahannews)- Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland ee WIJA, ayaa Kulan Duco iyo Baroor-diiq ah Hargeysa ugu Sameeyey Allaah ha u naxariistii Shugri Xariir Ismaaciil oo ahayd Suxufiyaddii ugu horreysay ee Radio Hargeysa ka hadasha, iyadoona ay Xilal ka soo qabatay Xukuumadaha Somaliland.

Shukri Xariir Ismaaciil waxay idaacadda Radio Hargeysa ka daadihin jirtay barnaamijyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayen barnaamijka dalabaadka, Ila Tali Walaal codka haweeenka iyo barnaamji lagaga hadli jiray hiddaha iyo dhaqanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.