Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Aftahannews) – War goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin.

Waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaadhiga la weeraray.

Sidoo kale, wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaadhay.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gadhiga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.