“Siilaanyo wuxu khiyaameeyey Saxaafadda & Baarlamaanka 2 sano ayuu xidhay 58 Suxufi, Rayaale-na 17 8 sano..” Cabdiraxmaan Cadbiqaadir

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo dhawr sano ahaan jiray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, balse laba sano ka hor laga saaray Xisbigaas, isla markaana wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyey in Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ahaa ee KULMIYE uu khiyaamiyeeyey Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira Mucaaridka iyo Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay shalay Munaasibad lagu xusay maalinta madax-bannaanida Saxaafadda caalamka oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa xubnihii ka hadlay uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabddiqaadir,  waxaanu yidhi; “Ninka yidhaada Saxaafadda Somaliland waxbay xumaysaa, waa nin aan waxba ogayn Saxaafadda Somaliland waa Saxaafadd qunyar socod ah, Saxaafadda Somaliland dhaqan-xumada ma taqaanno. Maanta Saxaafaddii culays xooggan ayaa saaran.”

“Madaxweyne Siilaanyo markii uu Mucaaridka ahaa laba qodob ayuu carrabka ku dhufan jiray, wuxuu odhan jiray; ‘Saxaafad la cubudhinayaa ma jirayso iyo in la ilaayo geeddi-socodka dimuquraadiyadda. KULMIYE waxyaabo badan ayuu xariif ku ahaa, Siilaanyo Saxaafaddii wuu ku guuray, Baarlamaankiina wuu ku guuray, intaaba immika wuu ka dul-tallaabsaday oo wuxuu yidhi; ‘idiinma baahnin’, Saxaafaddii immika waxaa laga ilaalinayaa in ay wax sheegto.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Waxaanu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Daahir Riyaale waxaannu odhan jirnay; ‘wuxuu ahaa Nabad-sugiddii, Saxaafadduu xidh-xidhaa.’ Riyaale intuu xilka hayey wuxuu xidhay 17 Suxufi, labadii Sannadood ee ugu horreeyay Siilaanyo wuxuu xidhay 58 Suxufi.” Sidaa ayuu yidih Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo xataa KULMIYE-nimada dhaawacyo Shil-baabuur ku soo gaadheen isaga oo ay weheliyaan Allaah ha u naxariistee Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal) oo isagu shilkaas ku dhintay iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ku dhaawacmay iyagoo soo dhawaynaya Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya 2009-kii oo uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ahaa ee KULMIYE, maantana ah Madaxweynaha Somaliland iyo KULMIYE oo isu beddelay Xisbil-xaakimka, kuwaasoo Marxuumka dhintay mooyaane labadooda xubnood ee kale ka tirsan yihiin Mucaaridka Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Xisbiga KULMIYE. Halkan hoose ka daawo Muuqaal Cabdiraxmaan oo ka hadlaya Xuskaas 3-da May ee Sabtidan laga soo duubay oo aannu Hadhwanaag ka soo xigannay.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.