Komishanka oo Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Jadwalka Doorashada Wakiillada & Deegaanka

KULANKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDIGA DOORASHOOYINKA 2021
KULANKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDIGA DOORASHOOYINKA 2021

Hargeysa(aftahannews):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Madaxweynaha Somaliland u Gudbiyey Jadwalka Wakhtiga ay qabanayaan doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

KULANKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDIGA DOORASHOOYINKA 2021
KULANKA MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDIGA DOORASHOOYINKA 2021

Madaxweynaha ayey. Xubnaha Guddiga doorashooyinka, ayaa madaxtooyada ku yeeshay kulan ay Guddigu ugu gudbiyeen wakhtiga doorashada, waxaana lagu faahfaahiyey qoraalka ay Madaxweynaha u gudbiyeen Komishanku war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidatan:-

“Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad  sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha qaranka usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay  dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo.

Waxana Madaxweynaha oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada ee Aftahannews soo gaadhay.