Maraykanka: Madaxweynaha Xilka ka Tegaya oo Bilaabay Mastaafurinta Soomaalida iyo Dad kale

MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2021
MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2021

USA (aftahannews):- Xukuumadda Madaxweynaha Shaqada ka tegaya ee Maraykanka Donald Trump, ayaa bilawday Mastaafurinta Dad badan oo ajaanib ah oo ay Soomaaliyi ku jirto, waxaana maanta la sheegay in Maraykanka laga mastaafuriyey 70 Qof oo Soomaali ah.

MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2021
MADAXWEYNE DONALD TRUMP 2021

Maxamuud Muuse Xassan oo ka mid ah Xubnaha u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Soomaalida Dalka Mareykanka ku nool, ayaa Laanta Afka Soomaalida ee VOA-da u sheegay in Jimcihii maanta Mareykanka laga mastaafuriyey Dad gaadhaya 70 Qof oo Soomaali ah oo dib loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa uu Maxamuud Idaacada VOA-da u sheegay in qorshuhu yahay in waddanka Mareykanka laga saaro Dad tiradoodu gaadhayso 4,800 (afar kun iyo siddeed boqol oo Qof) oo isugu jira Qaxoonti iyo Dad kale oo denbiyo ku galay dalkaas.

Hase-ahaatee, illaa iyo hadda la masaafuriyay Dad tiradoodu gaadheyso 1.440 (Kun afar boqol iyo afartan Ruux) oo ay ku jiraan 70 Qof saacadihii ugu danbeeyay Maraykanka laga saaray.

Dadkaas ayuu Maxamuud Muuse sheegay inay ku jiraan Dad hore loo xukumay oo denbiyo galay iyo kuwa kale oo loo diiday oggolaanshaha Qaxoontinnimo ee Maraykanka, waxaana ka mid ah sida uu sheegay Maxamuud Dad aan xitaa garaneyn luuqada Soomaaliga, isla markaana muddo ku dhibbanaa dalkaas.

Xukuumadda Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay ee Donald Trump oo xilka wareejin doona 20-ka bishan aynu ku jirno, oo maalmo koobani u hadhsan yihiin, ayaa bilawday dhaqangelinta qorshahaas hore ee ahaa in Dad badan dalka Maraykanka laga mastaafuriyo, tanina waxay imanaysaa maalmo ka hor xil-wareejintiisa.

Madaxweyne Trump, ayaa markii uu xilka qabtay afar sano ka hor joojiyey Qaxoontiga toddoba Dal Islaam ah oo Soomaaliya ka mid tahay inay galaan Dalkiisa, isaga oo ku sifeeyey inay ka soo jeedaan dalal aan nidaam iyo kala dambayni ka jirin, isla markaana isaga ugu tirsan waddamo ay kooxaha Xag-jirka ah iyo Argaggixisadu saldhigyo ku leeyihiin, kuwaas oo Soomaaliya ka sokow ay ka mid ahaayeen Suuriya, Sudan, Iraq iyo kuwo kale.

Go’aankaas, ayaa caqabad ku noqday Dad badan oo Qaxoontiyada Dadka dalalkaas ka soo jeedaa ku nool yihiin oo qorshuhu ahaa inay sannadkaas iyo sannadihii ka dambeeyey dowladda Maraykanku qaaddo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.