Somaliland: Booliska oo Raadinaya Haweenay Muuqaal ka Duubtay Gabadh yar oo la Joogtay & dhinacyo ka hadlay

BOOLISKA SOMALILAND OO GURI GABADH MUUQAAL LAGAGA DUUBAY TEGAY 2021
BOOLISKA SOMALILAND OO GURI GABADH MUUQAAL LAGAGA DUUBAY TEGAY 2021

Hargeysa(aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa baadi-goobaya Haweenay Muuqaal ka duubtay, isla markaana Baraha Bulshada ku baahisay Gabadh yar oo u shaqaynaysay, taas oo illaa xalay Muuqaalkeedu aad ugu baahay baraha Bulshada.

BOOLISKA SOMALILAND OO GURI GABADH MUUQAAL LAGAGA DUUBAY TEGAY 2021
BOOLISKA SOMALILAND OO GURI GABADH MUUQAAL LAGAGA DUUBAY TEGAY 2021

Askar Booliska Somaliland ka tirsani, ayaa subaxnimadii Khamiista maanta tegay Guriga ay Haweenaydaasi ka deggantay Hargeysa, hase-yeeshee, kumay guulaysan inay ugu tagaan oo ay soo qabtaan Haweenaydaas, balse waxay wadaan hawlgal ay ku raadinayaan, si Cadaaladda loo horkeeno.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Filsan Xuseen Qaliif oo qayb ka ahayd hawlgalka lagu doonayo Haweenaydaas, ayaa Barteeda Faysbuugga ku qortay in Cadaaladda la horgeyn doono Gabadhaas.

Geesta kale, Xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah Dad u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha, ayaa Shir Jaraa’id oo ay gelinkii hore ee Khamiistii maanta ku qabteen Hargeysa ku sheegay inay Dacwad ka gudbiyeen Haweenaydaas, isla markaana Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda u gudbiyeen dacwaddaas.

Haddaba, Warka ku saabsan Haweenayda muuqaalka ka duubtay Gabadha yar ee la joogtay oo aad baraha bulshada loogaga fal-celiyey iyo dhinacyada ka hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.