Itoobiya oo Sheegtay inay Dishay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirkii Arrimaha Dibedda Federaalku

Seyoum Mesfin Former Ethiopian Foreign Minister
Seyoum Mesfin Former Ethiopian Foreign Minister

Addis Ababa(aftahannews):- Dowladda Ethiopia, ayaa sheegtay inay Millaterigeedu dileen Afar Xubnood oo ka tirsanaa Saraakiisha sarsare ee Maamulkii Tigrayga ee ay dowladdu burburisay, kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya Seyoum Mesfin.

Seyoum Mesfin Former Ethiopian Foreign Minister
Seyoum Mesfin Former Ethiopian Foreign Minister

Afartan Nin ee ka tirsanaa Tigrayga maamulkoodii la burburiyey, ayey dowladda Itoobiya sheegtay inay diideen inay isu dhiibbaan Ciidammada Millateriga ka tirsan oo hareereeyey. Waxaanay Warbaahinta oo Millateriga Itoobiya xiganaysaa intaas ku dartay in shan Sarkaal oo kale lagu qabtay nolol.

Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo illaa badhtamaha sannadkii tegay khilaaf xooggani ka dhextaagnaa Ismaamulkii Tigrayga, ayaa dagaalka ka dhanka ahaa Dowlad-deegaankii Tigrayga bishii 11-aad ee 2020-kii, isla markaana Millateriga oo galay deegaannada Tigrayga, ayey 28 maalmood oo dagaal ah ku qaadatay inay ku gaadhaan Caasimadda Maamulkii Tigrayga ee Makkale, siday dowladda federaalka sheegtay, iyadoo u dabbaal-degtay guul ay sheegtay inay dagaalkaas ka gaadhay.

Hase-yeeshee, Masuuliyiintii hoggaaminayey Maamulka Tigrayga ee la jabiyey, ayaa geestooda wakhtigaas sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen magaalooyinka Millateriga Federaalku qabsaday ee ay maamulayeen, isla markaana aanay is-dhiibi doonin ee ay sii wadi doonaan dagaalka ay iskaga difaacayaan weerarka Dowladdu ku qaadday oo ay Xasuuq ku tilmaameen, sida ay ku doodeen marar kala duwan Madaxdii TPLF.

Xubnaha sarsare ee afarta ah ee ay Millateriga Itoobiya sheegeen inay dileen, waxay kala yihiin, sidan hoos ku qoran:-

1- Seyoum Mesfin – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Federaalka Itoobiya, xilkaas oo uu hayey 1991-kii illaa 2010-kii.

2- Asmelash Woldeselassie – Hoggaamiye Siyaasadeed.

3- Abay Tsehaye – Hoggaamiye Siyaasadeed

4- Colonel Kiros Hagos – waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Millateriga Federaalka Itoobiya, hase-yeeshee, wuu ka baxsaday, ka dibna waxa uu ku biiray Malleeshiyada TPLF ee Tigrayga.

Millateriga dowladda Itoobiya, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan xubno kale oo ay xuseen inay ka tirsanaayeen Saraakiishii TPLF, kuwaas oo ay sheegeen inay ku dhuumaalaysanayaan Dhul Buuralay u badan oo lama degaan ah amma lama galaan ah.

Dhammaadka toddobaadkii hore, ayey Millateriga Itoobiya soo bandhigeen 8 xubnood oo ay sheegeen inay xilal sare oo kala duwan ka hayeen Maamulkii Tigrayga, kuwaas oo ay Haween ka mid ahaayeen, iyagoo intaas ku daray markaas inay dileen 15 Xubnood oo Masuuliyiin ka ahaa TPLF, sida TV-ga dowladda lagu baahiyey.

Wakaaladda Reuters, ayaa sheegtay inaanay haynin xaqiijin ka badan sheegashada Millateriga dowladda Itoobiya ku sheegteen inay dileen xubnahan, qaar kalena qabteen, iyadoo ay adagtay in warar ka madax-bannaan labada daraf ay Warbaahintu hesho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.